(Dubai)Ugaas Cabdi Ugaas Axmed (C/Buurte) ayaa halkaan tacsi tiiranyo leh uga diraya qaraabadii, ehelkii iyo dhammaan Salaadiinta Soomaaliyeed, iyo umadda soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuum Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali (Geesood) oo maanta ku geeriyooday degmada Galdogob ee gobolka Mudug, wuxuna marxuumka alle uga baryay in uu jannadiisa ka waraabiyo ehelladii iyo asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo iimaan uu ka siiyo.
Ugaaska Ayaa yiri Marxuumka waan aqaanay waana soo wada shaqaynay waxaa uu ahaa nin xabiib ah dhibta neceb islamarkaana kuwanaagsanaa go,aan qaadashada .
Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali (Geesood) oo ahaa ugaaskii guud ee Beesha Leelkase oo maanta ku geeriyooday degmada Goldogob. Ugaasku wuxuu kamid ahaa dadka aad looga qadariyo gobalka saameyn weyna ku lahaa nabadeynta iyo isku soo dhaweynta dadka dagan gobalka iyo dhamaan umada soomaaliyeed “.
Allaha u naxariistee Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali ayaa kamid ahaa ugaasyada caanka ah ee gobolka Mudug, isagoo siweyn uga dhax muuqday xal uraadinta dalka Somalia, waxaana ku xasuustaa ka qayb galkii Shirarkii lagu dhisay Dowladda Puntland iyo talooyinkii uu kabixiyay oo aan goob jog ahaa iyo sidoo kale Shirarkii dib-u-heshisiiinta ee lagusoo unkay dowladihii kala danbeeyay ee dalka soo maray.
Ugu danbayn Anigoo Ah Ugaas Cabdi Ugaas Axmed (Cabdi Buurte) In badan na aan soo wada shaqaynay Marxuumka Waxaan Leeyahay Eebe Jandii Haka Waraabiyo Ugaas Axmed Ugaas Maxamed Cali (Geesood)
INNAA LILLAAHI WA INAA ILLEYHU RAAJICUUN