Mu,asasada Al-minhaaj ee dacwada iyo horimarinta faraceeda gobolka mudug ayaa soo gabagabaysay tartan socday bisha ramaadaan oo ay ka qayb galeen arday ka kala socday 13 masjid oo ku yaala magaalada gaalkacyo.
ardaydaan ka kala socotay 13masjid oo isugu jiray gabdho iyo wiilal ayaa waxa lagu tartan siinayay 3 kitaab , oo kula saabsanaa fiqiga, siirada rasuulka(csw) iyo naxwaha, kutubtaaan oo loo aqriyay ardaydaas bisha ramadaan intii lagu guda jiray.
Tartankaan oo lagu soo gaba gabeeyay Masjidka way nee RAMADAAN, ayaa ardayda ka qayb gashay tartanku , waxa ay ka kala socdeen masaajida kala ah:
- Masjidu raxmo –garsoor
- Masjid sunna-garsoor
- Masjid shaafici –garsoor
- Masjid furqaan-israac
- Masjid macmuur-horu mar
- Masjid abuuhureya –israac
- Masjid badar-israac
- Masjid ramadaan –garsoor
- Masjid cumar binu khadaab-horumar
- Masjid nasrulah garsoor
- Masjid nuurulyaqiin-israac
- Masjid usaama bin sayd –israac
- Bukhaari -garsoor
- Masjid kastana waxaa kasocdey oo tartanka uga qayb galey iyo kutubada la akhriyeyba 5 wiil iyo 5gabdhood
Tartankaan ayaa marku soo gabagaboobay waxa abaal marino qaaliya la gudoon siiyay, ardaydii ma talaysay sadaxda masjid ee galay kaalmaha ugu sareeya dhanka wiilasha iyo sadaxda masjid ee galay kaalmaha ugu sareeya dhanka gabdha.
Tartankan ayaa waxa ku guulaystay dhanka wiilasha masaajida kala ah:
1. Masjid ramadaan-garsoor . 2.masjid nasrullaah –garsoor . 3.masjidu macmuur –horumar.
Halka ay ku guulaysteen dhanka gabdhaha masaajida kala ah:
1. Masjid shaafici-garsoor, 2.masjidu raxmo-garsoor 3 aad masjid abuuhureyra israac
sida oo kale waxa ay mu,asasada al-minhaaj shahaado sharaf gudoon siisay dhamaan shirkadihii ka qayb qaatay taaba galinta tartankaa dhinaca dhaqaalaha iyo macalimiintii ardaydan kutubada u aqrisay.
Xaflada lagu soo gabagabaynayay tartanka ayaa Waxaa ka soo qayb galey marti sharaf aad ufara badan oo ay ka mid ahaayeen: gudoomiyaha gobolka maxamed yuusuf jaamac tigey, ku xigeenka duqa magaalada gaalkacyo yacquub maxamed cabdale , culimo awdiin ay ka mid ahaayeen sh Maxamed macalim axmed, sh aadan maxamed cigaal iyo qaar ka mid ah maamulka mu,asasada al-minhaaj faraca gobolka mudug, iyagoo dhamaantood bogaadin usoo jeediyay ardayda ku tartamaysay , allana uga baryay inuu cilmigay barteen ku anfaco.