+252 90 7798232 [email protected]

Tartankaa  oo galay sanadkii lixaad Ee  heer puntland ah islamarkaana ay kaqayb galayaan dhamaan Dagmooyinka Puntland waxaa sanadkaan kaqayb galaya  34 oo kakala socday 10Degmado.

Ardaydaan oo ah ku wii kasoo baxay is reeb reebka Degmooyin  ayaa ugu danbayn Garowe ku galaya Tartan ay ku hananayaan Kaalimaha Hore .

Furitaanka Tartanka Qur’aanka Waxaa Kasoo qayb galay Wasiirka Wasaarada  Cadaalada Dowladda Puntland Saalax Xabiib Jaamac  \Gudoomiyaha Tartanka Sh Axmed Yuusuf Daad/ Madaxda sare Ee Mu’asasada Al-minhaaj  Gobolka Nugaal Sh Mukhtaar Axmed / Culima Aw Diin Iyo Boqolaal Dadweyna ah oo masjidka Al-Huda Soo Buuxdhaafshay.[nggallery id=62]

Waxaa goobta laga soo jeedshay dardaaran Iyo Dhiiri galin ku wajahan ardayda tartamaysa iyo Guud ahaan bulshada waxaana dhamaan mas’uuliyiintii goobta kahadshay ku baaqeen in lajoog teeyo barashada iyo ku camal falka kitaabka Allah .

Hoos Kadhagaso Codka Furitaanka Tartanka