Waxaa maanatay masjidka Alraxma magaaladda garowe ka biloowday Tartan ka qur,aanka kariimkaa tartan kaan oo sanadwalba kadhaca garowe casimada puntland
Tartankaan oo ah heer gobol ayaa waxaa uu gogol xaar u yahay tartanka heer puntland Waxaa Masjidka alraxma laguqabaty xafladdaah fur uahayd tartankaa waxaana daah furka tartaka hadal kooban na kasoo jeed shay gudoomiyaha mu,asasada Alminhaaj faraceeda gobolka nugaal sheekh mukhtaar axmed faarax waxaana uu ka war bixiyay tartankaan iyo qiimaha uu bulshada u leeyahay .
waxaana sheekhu sheegay in danta mu,asasadu kaleedahay ay tahay inlahelo jiil ku tarabiyooba kitaabka allah islamarkaana xifdisan waxaa kaloo uu xusay gudoomiye mukhtaar in tartankaani ka kooban yahay 5juz/10juz/20/juz/30juz
tartankaan waxaa sanadwalba soo qaban qaabisa Mu,asasada Alminhaaj waxaana ay uqabataa tartan hordhac ah ardayda dhigata madaarista magaaladda garowe ardaydii kasoo baxdana waxay u tartamaan heer gobol waxayna kaqayb qaataan tartanka guud ee heer puntland.
waxaa sidookale isna goob ta kahadlay Sheekh maxamuud xaaji yuusf Sheekhul baladka waxana sheekhu kalimad aad u qiimi badan oo dardaaran iyo dhiiri galinba ujeedshay umada reer garowe iyo soomaliya oo dhan waxaana sheekhu sheegay in meesha dhibaatadu inooka timid ay tahay markaan dayacnay kitaabka allah waxaana uga badbaadikar naa in aan kitaabka allah daryeelno kuna dhaqan no Aw laadeenana ku barbaarino waxaa sidookale ardayda ugu baaqay in ay dadaalka siiwadaan kana faa iidays taan khayrka eebe baray