Boosaaso − Mu’asasada dacwada iyo horimarinta ee Alminhaaj qaybta gobolka Bari ayaa si rasmi ah usoo gabagabeysay tartankii qur’aan akhriska ee Ardayda Magaalada Boosaaso.
Xaflada lagu soo afmeerayay Tartanka Quraan Kariimka ee Ardeyda Magaalada Bosaso oo ka dhacday Masjidka Wayn ee Al- Rowda ayaa waxaa Abaalmarinno kala duwan iyo lacag cadaan ah lagu gudoonsiiyay ardeydii kaalimaha hore ka galay tartanka.
Tartankaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Boosaaso ayaa ah tartan Qur’aan akhris ah oo sanad waliba bisha barakeysan ee Ramadaan loo qabto ardayda magaalada Boosaaso , kaas oo ay ardayda ugu saraysa ay ugu gudbayaan tartanka guud ee magaalooyinka puntland ee ka dhici doona magaalada garowe.
Goobta xaflada ayaa waxa kasoo qayb galay dadwayne aad u fara badan, waxaana ugu horayn hadalka lagu soo dhaweeyay Macalin Maxamed C/laahi C/axmaan oo ahaa xubin ka mid ah gudiga garsoorka tartanka quraanka , isagoo ka hadlay qaabka ay wax usaxayeen, sidoo kale wuxuu sheegay in dhamaan ardaydii ka gayb gashay tartanka ay ahaayeen arday xul ah oo dadaal dheeraad ah lagu bixiyay quraan baristooda.
Intaa kadib waxa hadalka qqaty Ustaad Cismaan Maxamed Cumar oo ahaa gudoomiyaha gudiga qaban qaabada tartanka quraanka ee magaalada boosaaso , wxa uuna ka waramay tirada ardayda sanadkan tartanka ka qayb qaadatay iyo tirada dugsiyada ay ka kala socdeen, iyo heerarka ay ku kala tartamayeen .
Waxa isna madasha xaflada hadlka qaatay Ustaad Xasan C/laahi Xasan Gudoomiyaha Mu’asasada al-minhaaj qaybta gobolka bari, wuxuuna ku dheeraaday ujeedooyinka laga leeyahay tartankan quraanka kariimka ah ee sanad kasta la qabto waxa uuna yiri isagoo ka hadlaya : “Ujeedooyinka aynu tartankan u qabano waxa ka mid ah inaynu sunada quraanka akhriskiisa, xifdigiisa iyo dhiiri gelintiisa ayaa ah hadafka koowaad ee aynu ka leenahay qabashada tartankan iyo inaynu ogaano halka ay dhalinyaradeenu ka marayaan xifdiga quraanka iyo inay is bartaan dhalinyarada dhigata dugsiyada kala duwan ee magaalada boosaaso, ee ku hawlan xifdiga quraanka kariimka’’.
Sidoo kale waxa uu gudoomiyuhu ka hadlay dowrka ay mu,asasada Al-Minhaaj ay ku leedahay tartanka quraanka ee bisha ramadaan ka dhaca dhamaan deegaanada puntland iyo kanguud oo dhamaan deegaanadu isugu yimaadaan, wuxuuna sheegay in dhamaantood diyaarin tiisa iyo isku dubaridkiisa ay leedahay mu,asasada Al-Minhaaj.
Waxa sidoo kale munaasabada ka hadlay Sh Axmed Yuusu Daad, oo ah gudoomiyaha guud ee tartanka quraanka heer puntland, wuxuuna ka hadlay habka uu sanadkan noqon doono tartanka quraanka heer Puntland.
Waxa sidoo kale madasha ka hadlay Dad kale oo uu ka mid ahaayeen nabadoon C/qaadir xarago
Gabagabadii xaflada ayaa halkaasi waxa looga dhawaaqay ardaydii ku guulaysatay kaalmaha 1aad , 2aad iyo 3aad, ee sadexda qaybood ee lagu tartamayay oo kala ahaa 30-ka Jus ee qur’aanka, 20 Jus , 10 Jus , iyo 5 Jus, iyagoona abaal marinno kala duwan lagu gudoonsiiyay.
ardayda ku guulaysatayna kaalmaha koowaad ee afarta heer ee lagu kala tartamayay, ee u gudubtay tartanka heer puntland ee Garowe, waxay kala ahaayeen:
30-ka Jus :-
C/lahi C/kariim siciid, kana socday Dugsiga IBNU BAAZ.
20-ka Jus:-
1-C/shiid Jaamac Ismaaciil, kana socday Dugsiga ibinu Baaz..
10-ka Jus:-
1-Khaalid Sh Daahir Awcabdi, kana socday Dugsiga Daru Al-quraan.
5-Ta Jus:-
1-Ibraahim C/laahi Cali, kana socday Dugsiga Daru Al-quraan.