+252 90 7798232 [email protected]

Tartankaani oo noqonaya kii 4aad ee ay qabato Mu’asasada Alminhaaj ee Gobolka Mudug ayaa waxaa Xaflad weyn oo lagusoo gaba gabaynayay lagu qabtay Masjidka Abii Hurayra ee Magaalada Gaalkacyo.

Tartanka ayaa wuxuu soo bilowday Maalintii Khamiista 08.06.2017 oo ku beegnayd 13.Ramadaan.1438 waxaana ka qayb galay: Gaalkacyo, Galdogob, Balibusle, Cagaaran iyo Dhagaxyacade, guud ahaan Ardayda ka qayb galay waxaa tiradoodu ay ahayd 62 iyada oo laba ardayna aysan u suura galin inay ka qayb galaan.

Dugsiyada ka qayb galaya ayaa waxay ahaayeen:

Gaalkacyo : (Bukhaari, Ubayyi binu Kacab 1, Ubayyi binu Kacab 2, Cumar binu Khadaab, Nuurul-yaqiin, Umul-qura, Qalam, Daarul-biri, Maxmuud Khaliil, Daarul-hidaaya)

Galdogob: (Furqaan, Umul-qura, Rawda)

Balibusle :(Tawxiid), Cagaaran (Sunnah), Dhagaxyacade (Imaamu Maalik).

Munaasabada gaba gabada Tartanka ayaa waxaa ka hadlay Dr.Aadam Maxamed Cigaal waxaana uu bogaaday Tartanka isagoo Adkeeyay Muhiimada ay leedahay in Degmooyinka Gobolka oo dhan ay kasoo qayb galaan Tartanka, waxaana uu cod dheer ugu yeeray Degmooyinka Magacaaban ee aan kasoo qayb galin Tartanka Sanadkaan.

Gudoomiyaha Mu’asasada Alminhaaj ee Gobolka Mudug Cawil Axmed Muumin ayaa waxaa uu ka hadlay Muhiimada Tartankaan iyo Ujeedooyinkiisa waxaana uu sheegay inay rajaynayaan Ardayda Tartanka Kaalmaha hore ka galay in ay Tartanka Guud ee Heer Puntland ay Guul kasoo hoyn doonaan.

Yaasiin Maxamuud Takar Maareeyaha Shirkadda NEPCO oo maalgalisa Tartanka ayaa waxaa uu sheegay inay Diyaar u yihiin Horumarinta Barnaamijkaan iyo kuwo Khayriga ah ee Xiriirka.

Imaam C/wahaab Maxamuud Gurey oo Xaflada soo xiray ayaa waxuu bogaadiyay Cid walba oo Tartankaan ka shaqaysay waxaana uu Waalidka uga digay Sadex Cilad oo Caruurta ka hor istaagta inay si wanaagsan wax u bartaan waxayna kala yihiin (Banooni, Moobayl iyo Talafishin).

 

Gab gabadii Xafladda waxaa Shahaado Sharaf la gudoonsiiyay Maamulka Shirkadda NEPCO, Maamulka Masjid Abii Hurayra iyo Gudigii Garsoorka ee Tartanka, iyada oo la abaal mariyay Ardaydii Kaalmaha Hore ka galay Tartanka Quraanka ee Gobolka waxayna kala ahaayeen:

Kaalinta Magaca Dugsiga Magaalada
1aad, 30ka Ibraahim Maxamed Sh.Ibraahim Daarul-hidaaya Gaalkacyo
2aad, 30ka C/raxmaan Xasan Aadam Furqaan Galdogob
3aad, 30ka Maxamed Cawil Maxamed Daarul-biri Gaalkacyo
1aad, 20ka Axmed Sh.Mahad C/laahi Furqaan Galdogob
2aad, 20ka Ilyaas Bishaar Faarax Sunnah Cagaaran
3aad, 20ka Ayuub C/haadi Cumar Ubayi binu Kacab Gaalkacyo
1aad, 10ka Maxamed Maxamuud Xuseen Umul-qura Galdogob
2aad, 10ka C/raxmaan Cali C/qaadir Daarul-biri Gaalkacyo
3aad, 10ka Xasan C/waaxid Jaamac Umul-qura Gaalkacyo
1aad, 5ta Yaxye Cismaan Maxamed Daarul-hidaaya Gaalkacyo
2aad, 5ta Jamaal Deeq Maxamed Daarul-biri Gaalkacyo
3aad, 5ta Maxamed Axmed Maxamed Daarul-biri Gaalkacyo

Mu’asasada Alminhaaj Gaalkacyo

C/raxmaan Bilaal Caad

IMG_20170611_132800 IMG_20170611_132800 IMG_20170611_133229 IMG_20170611_134354 IMG_20170611_134618