+252 90 7798232 [email protected]

Boosaaso −  Mu’asasada dacwada iyo horimarinta ee Alminhaaj qaybta gobolka Bari  ayaa si rasmi ah usoo gabagabeysay tartankii qur’aanka Kariimka ah ee ka socday gudaha magaalada  Boosaaso.Tartankaan oo labadii maalmood ee ugu Dambeeyey ka socday Masjidka wayn ee Al- Rowda ee magaalada Boosaaso ayaa lagusoo gabagabeeyay xaflad abaal marinno kala duwan iyo lacag cadaan ah lagu gudoonsiiyay ardeydii  kaalimaha hore ka galay tartanka.

Tartankaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Boosaaso ayaa ah tartan Qur’aan akhris ah oo sanad waliba bisha barakeysan ee Ramadaan loo qabto ardayda magaalada Boosaaso , kaas oo ay ardayda ugu saraysa ay ugu gudbayaan tartanka guud ee magaalooyinka puntland ee ka dhici doona magaalada garowe.

Goobta xaflada ayaa waxa kasoo qayb galay dadwayne aad u fara badan , waxaana ugu horayn hadalka lagu soo dhaweeyay Macalin  Xuseen Daahir Macalin Xasan oo ahaa gudoomiyaha gudiga garsoorka tartanka quraanka , isagoo ka hadlay qaabka ay wax usaxayeen, sidoo kale wuxuu sheegay in dhamaan ardaydii ka gayb gashay tartanka ay ahaayeen arday xul ah oo dadaal dheeraad ah lagu bixiyay quraan baristooda.

Macalin Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa aad waxa uu ugu dheeraaday fadliga quraanka  barashadiisu ay leedahay, isagoo ku booriyay dhamaan dad waynaha caruur iyo ciroolaba barashada quraanka kariimka

Sh Xasan Cabdalla Xasan  Gudoomiyaha  Mu’asasada  al-minhaaj qaybta gobolka bari,   oo isna madasha ka hadlay ayaa isaga oo ka hadlaya ujeedooyinka laga leeyahay tartankan quraanka kariimka ah ee sanad kasta la qabto waxa uu yiri  “Ujeedooyinka aynu tartankan u qabano waxa ka mid ah inaynu sunada quraanka akhriskiisa, xifdigiisa iyo dhiiri gelintiisa ayaa ah hadafka koowaad ee aynu ka leenahay qabashada tartankan iyo inaynu ogaano halka ay dhalinyaradeenu ka marayaan xifdiga quraanka iyo inay is bartaan dhalinyarada dhigata dugsiyada kala duwan ee magaalada boosaaso, ee ku hawlan xifdiga quraanka kariimka’’.

Waxaana Kalmada Gudoomiyaha Ka Dib Hadalka Qaatay Sh Faarax Maxamed Cajab oo Ku Hadlayey Afka Gudiga Masjidka Al-Rowda , Waxa uuna Ka Warbixiyey Heerarkii uu Soomaray Tartanka Quranka iyo Bulshada Soomaaliyeed Xifdinta Kitaabka iney Dowr Fiican Ka Qaataan Caalamka Islaamka Umma Soomaaliyeed Uga Makhraanti yahay

Ugu Damayntii Waxa Ka Hadlay Xaflada Afhayeenka Nabadoonada Gobolka Bari Nabadoon  Cabduqadir Xarago Waxa uuna Ka Hadlay Halmad Dhinacyo Badan Taabanaysa Ugu Damayntiina Waxa uu Soojeediyey In Tartanka Guud aan Lagu Koobin Caasumada Puntland kaliya ee Fursad Lasiiyo Magaalooyinka Kale .

Gabagabadii xaflada ayaa halkaasi waxa looga dhawaaqay ardaydii ku guulaysatay kaalmaha 1aad , 2aad iyo 3aad, ee sadexda qaybood ee lagu tartamayay oo kala ahaa 30-ka Jus ee qur’aanka, 20 Jus iyo 10 Jus , iyagoona abaal marinno kala duwan lagu gudoonsiiyay.

Mu’assadda Al-minhaaj
Boosaaso,