+252 90 7798232 [email protected]

IMG_7572Garoowe:-Waxaa maantay kadhacday Masjidka Alhuda Xaflad balaaran oo lagu sooxirayay Tartana Qur’aanka Heer puntland  Xafladaan oo ahayd mid siwanaagsan loo soo Agaasiay waxaa kasoo qay galay Madaxweynaha Puntland Dr Cabdi wali Maxamed Cali Gaas Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xubna hasocda Waaarada Cadaalada Xildhibaano Gudoomiyaha Mu’asasada Alminhaaj Xubno asocday Shirkadda Isgaarsiinta Golis Iyo Marti sharaf Kaloo Badan.

Xafladaan Oo ahayd tii 5aad oo caynkaan oo kale ah ayaa sanadwalbba marka lagaaro 10danbe ee ramadaan Mu’asasada Alminhaaj waxay qabataan Tartan Ay kasoo qayb galaan Dhamaan Degmooyinka Puntland waxaana sanadwalba ardayda lagudoon siiyaa abaal marimo kaladuwan.

Faarax Xaaji Mire oo Ku hadlayay Magaca Shirkada Isgaarsiinta Golis oo 5sano kahor iyadu soo noolaysay Tartankaan ayaa Qiray in Shirkada golis Ay ku faraxsan tahay Meesha uu marayo Tartankaan islamarkaana waan sii wadi doonaa Kaqayb qaadashada Tartanka ayuu Yiri M Mire .

Beldaje Ismacil Beldaje Yaasin oo isna goobta kahadlay ayaa amaanay shaqadaan qiimaha badan oo ay soo agaasintay Mu’asasada Alminhaaj  waxaana uu dhanka kale amaanay culimadii kusoo guulaysatay Nabadaynta Carmo

Gudoomiyaha Mu’asasada Alminhaaj ayaa isna dhankiisa u mahaceliyay Dhamaan Maalgaliyaashii kaqayb qaatay Tartankaa Oo uu ugu horeeyo Madaxweyne gaas iyo Golis waxaana uu raacshay in Sanadka ka soo socda  ay wax kabadali doonaan tartanka .[nggallery id=8 images=43]

Ugu danbayntii Madaxweyne gaas oo soo xiray Xaflada ayaa Amaanay dhaman iin tii kasoo shaqaysay Xafladaan Balaaran waxaana uu u duceyay Ardaydii Kutartamayay Qur’aanka Waxaana uu gudoon siiyay Ardaygii Galay kaalinta 1aad gaari nooca Raaxada ah waxaana uu Barxada Masjidka Alhuda Kugudoonsiiyay Furihii gaariga.

Nuur Jaamac Aadan

Garowe