Ururka Ardayda Jaamacadda Bariga Africa Xarunteeda Gaalkacyo, oo ah urur ay kumidaysan yihiin kuliyadaha kala dugan ee jaamacadda ,ayaa subaxnimadii jimcada kafuliyey xaafada Garsoor Ee magaalada Gaalkacyo gaar ahaana xerada Alla Aamin 2 ,
Barnaamijkaan ayaa laga fuliyey Xaro kamid ah xeryaha ay kunool yihiin dadka dan yarta ah ee kayimid koon- furta Dalka.
Dadka dagan halkaas ayaa si diiran usoo dhaweeyay Bar naamijkaan, ay kudhaqaaqeen Ururka arday Jamacada Bariga Africa Xarunteeda Gaalkacyo.
Iyagoo uga mahad celiyay ardayda soo qaban qaabisay barnaamijkaan wax ku oolka ah,waxaa xusid mudan in habeenkii jimcada uu qabtay magaalada roob ,hadana taas oojirta kama hor istaagin Ururka in ay fuliyaan Barnamijkaan qiima badan ee ay aadka ugu baahnaayeen dadka xeradaan dagan madaama xili roobaadka ay nadaafadu kasii muhimsan tahay xiliyada kale.
Waxaa nadaafada dhinac socday wac yigalin ku aadan Nadaafada iyo muhimada ay leedahay, ilaalinta nadaafada iyo waliba sida ay diinta islaamku uga hadashay.
Gudomiyaha ururk ay sheegay in sababta oo barnaamijkaan ufulinayaan ay tahay iga oo dareensan waajibka kasaaran bulshadooda,gaar ahaan kuwa dhiban ee tabar yaridu haysato,kuwaas oo baani yaal u ah dhibaa tooyin farabadan.