+252 90 7798232 [email protected]

Galkacyo:-Ustaad  Maxamed Cabdi Daahir Geele oo kamida Ducaada Gobalka Mudug ayaa caawa Salaada Maqrib kadib  Kalmad Kooban ka Jeediyay Majidka Ramadaan Ee Magaalada Galkacyo.

Ustaadku waxa uu Kalmadiisa Cinwaan uga Dhigay Hagaajinta Qalbiga waxa uuna si qota dheer uga sheekeeyay Hababka loo wanaajin karo Quluubta isagoona soo qaatay Aayaad Iyo Xadiith laga wariyay Nebbiga S.C.W.

Sidoo kale Ustaadka ayaa la wadaagay dadkii dhageysanayay Kalmaddan Qisas ka hadlayay Hagaajinta Qalbiga, waxa uuna Naftiisa Iyo Walaalahana kula Dardaarmay in Qalbiyada lagu Hagaajiyo Dikriga Alle S.W.

‘’Hadaynu Dooneyno inaan Quluubteennu ay Hagaagto, waa Inaan Nafteennu kala Dagaalannaa Xiqdiga Iyo Xasidnimada,Haddaynu Sidaasi Sameyno waxaan gaareynaa Wadadii aan ku Hagaajin Lahayn Quluubteenna’’sidaas waxaa Bulshada Dhageysanaysay Kalmada kula Dardaarmay Ustaad Maxamed Cabdi Daahir Geele.

Si kastaba ha ahaatee kalmadan uu caawa soo jeediyay Ustaad  Maxamed Cabdi Daahir Geele ayaa waxaa ka faa’ideystay dadweyne aad ufara badan oo ku xiran Masjidka Weyn Ee Ramadaan.

X.Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Alminhaaj-Mudug