Waa salafi kitaabka iyo sunnada ku dhagan oo dariiqii salafka ku taagan, lana diriraya shirkiga iyo bidcada, isla markaasna hab dhaqankii salafka cilmi ahaan iyo camal ahaanba u qaatay, haddana shaqada ugu caansan ee uu hayo ay tahay durista culimada iyo ducaada aan ururkiisa ahayn, dicaayad, isku dir, been-abuur, kala jabinta safka ducaada, u qareemidda daalimiinta iyo ka hiilinta dulmanayaasha iwm.
Ilaahay wuxuu yiri : ” ﻟﻴﺲ ﺑﺄﻣﺎﻧﻴﻜﻢ ﻭﻻ ﺃﻣﺎﻧﻲ ﺃﻫﻞ ﺍﻟﻜﺘﺎﺏ ” Abaalmarintu kuma dhisna waxyaabaha aad tamaninaysaan idinku iyo waxyaabaha ehlu-kitaabku tamaninayaan midna ee qofkii xumaan sameeya waa lugu abaalmarin … qofkii mu’min ah ee camal wanaagsan sameeyay oo rag ah ama dumar ahna jannada ayuu galayaa ..
Waa hubaal in dadka diinta xambaarsan ee ku baaqaya aysan wada xumayn, dadkuna ay wada gafayaan oo aan qofna macsuum ahayn laakiin mushkiladdu waa in khaladka diinta la cuskiyo oo sax loo badalo ama uu noqdo dhaqan camali ah oo tayaarka ama ururku caadaystay oo aan la isaga naseexaynayn .
Tan kale waxaa xanuun leh in khaladkaagii aad Ilaah iyo rasuul ku nabtid ama aad diinta u tiirisid ama salafkii ku sumadid ama waa jihaad tiraahid; waayo waxay la macne tahay Ilaahay iyo rasuulkaa i amray inaan been-abuur kaa sameeyo ama muslimiinta kala firdhiyo ama dhiigooda xalaashado.
Gabagabadii aynu dib isugu noqono qof qof iyo koox kooxba; si aynu uga dhabayno diinta aynu ku baaqayno, waxa inaga qaldana isaga saxno.
W.Q. Sh. Axmed Cabdisamad
Email: [email protected]