Waxay ahayd 7/10/2014 markaan Hanqaloocsaday Qormadii uu halyeynimada isku biday Bashiir M. Xersi oo ka mid ah Ragga isku gadaamay Buugga Xadka Riddada Maxaa ka run ah, iyo Qoraaga Buugga Cabdi Saciid Ismaaciil, Qormada Bashiir Horraantii waxaan Naawilayey in ay tahay Qormo Xikmad iyo Xalaal Xambaarsan oo aan ka macaashi doono Balse Markaan Sal iyo Baarba ubaaray waxaa ii soo baxaday in ay tahay Qormo Xambaarsan, Hayaanad, Hag-hag, iyo hal-nebcaysi, taas oo loo adeegsaday war suugaaneed qosol iyo Maadna lagu magaadiyey.
Nuxurka Qormada Bashiir
Qoraa Bashiir waxaa laga dheehan karaa Qormadiisa Marka la isku soo xooriyo Dulucdeeda qodoban hoos ku qoran:
- in qoraagu si aan kala har lahay ula saftay Qoraaga Buugga Xadka ridada maxaa ka run ah.
- wuxuu si daran u weeraray dhammaan wixii magac Wadaad ku abtirsada isagoo ku tilmaamay in ay yihiin dad dhaqanka iyo Bulshada Soomaliyeed dhexdooda aan Sumcad wanaagsan ku lahayn.
- wuxuu Si aad ah udhaleeceeyey Buuniga/Caalimka weyn ee Soomaaliyeed: Sh: Maxamed Cabdi Umal, isagoona Cayda iyo been abuurka ka sokow uraaciyey Hanjabaad Ama yu’asho, waa hadba kuu ula jeedo Sawirka dul dhigan Qormadiisa oo Shiikhu ka dhexmuuqdo.
- Wuxuu aad umarxabeeyey uuna ka dhigay dhaxal-gal iyo Murti usoo hoyatey Umadda Soomaaliyeed Buugga Diinta Islaamka Weerarka ku ah ee ku Suntan: Xadka Riddada Maxaa ka run ah. isagoo usawiray Qoraaga Buugga halyey mudan in la guddoonsiiyo Billad geesi. iyo arimo kale.
hadaba waa yaabee Buuggan Mashriq iyo Maqibba Laga dhawaaqay laga anfariiray maxaa ku qoran?.
Jawaab: Buuggan oo Gacantayda kusoo dhacay ayaan markaan si Fiican u akhriyey, waxaa ugu waaweynaa waxyaalihii aan aadka ula yaabay anna is weydiiyey Su’aasha ah tolow buuggan ma Muslim baa qoray? arimahan soo socda, waxaana aan mid mid u xusi doonaa Bogga ay Buugga kaga taal.
- Qoraaga Buuggu isagoo soo qaatay qaar ka mid Axaadiith Nebiga(SCW) ka ansaxday oo ka waramaysa Jihaadka ayuu yiri: “….Arsaaqdayda waxaa lageliyey Warankayga hoostiisa!!. “hadaba akhristow aan isweydiinee Nebigu ma Bililiqo ku nool buu ahaa” Bogga “1” qaybta Tixraaca.
waa nasiib darro in qoraagu afka ku ballaariyo in Nebi muxamad dhaqankaas lahaa taasina waxay ku tusaysaa in la isiweydiin karo qoraagu horta Nebiga ma rumaysanyahay. waana Arrin gaalnimo ah hadii uusan cudurdaar ku baxsan.
- markii uu kasoo sheekeeyey Reer Yurub iyo sida ay diintoodii uga takhaluseen ayuu yiri “Taa awgeedna waxay Muslimiintu ubaahanyihiin aqoon-yahanno qaadan kara kaalin la mid ah kii ay ciyaareen aqoon-yahannadii reer Yurub…” Bogga: “7”.
waa yaabee Qoraaga Buuggu ma usimanyihiin Diinta Islaamka iyo tan reer Yurub iska daadiyeen, mase waxaa la quruxbadnaantay in uu maanta naadiyo liiska is diiwaan gelinta ee dadka Diinta ka takhalusaya isagoo aad mooddo in gacan ku haynta liiskaas isagu isu rashaxay. Muxuuse bedel hayaa hadii uu diinta meesha ka saaro.
- Markuu ku dhaleeceeyey qaabka ay Culumadu ula dhaqmaan qofka diinta soo gala iyo kan kabaxa ayuu wuxuu yiri: “…ma oggola in qof Islaam ahaa uu ka boxo diinta Islaamka oo uu qaato Diintii kale ee cajabisa ama Diin oo dhan uu faraha ka qaado”. Bogga: “13”.
waxaa si cad u muuqata in qoraaga ay isugu mid tahay in Diinta islaamka la qaato, ama mid kale, iyo in diin la,aantu ayan waxba isku dhaamin ee Xaqu yahay waxa qofku xoriyadiisa ka helo.
- “Wadaadada diimuhu waxay danbiga ugu badan ka galaan dumarka iyo Shaydaan, waxayna ila tahay in inta Wadaad jiro in aan Sheydaan la cadaabeyn”. Bogga: “13”. tixraaca.
waxaa qodobkan ku cad in qoraaga Buuggu uu qareen unoqday Shaydaanka, uuna u arkay in cadaaladdu tahay in shaydaanka uu wadaada uga hiiliyo. oo waa yaabee maxay wadaagaan isaga iyo Shaydaanku!?. Shaydaankuse miyuusan ahayn kii Diintu nafartay in aan Markasata ka Cawdsanno oo Naar Allaah uweydiinno!!?.
- Markii uu taariikh dheer kasoo sheekeeyey ayuu yiri “Culumadu waxay Taariikhdan uqaateen si ay uga fogeeyaan saxaabadii Nebiga(SCW) oo ay dhammaantood ku sheegeen in ay ahaayeen rulowyaal caadiliin ah” Bogga “92”.
Halkaan waxaa ka cadaatay in qoraaga buuggu aaminsanyahay in ayan Saxaabadu Caadiliin wada ahayn, Iyadoo Caddaaladda Saxaabada ay kusoo arooreen Aayaad badan Sida: aayadda: 100-aad ee Suuratu At-Towba. iyo Aayadda: 29-aad ee Suuratu Muxamad. Tan kale hadii aysan Saxaabadii Nebigu(SCW) caadiliin ahayn oo aan warkooda laqaadan karin Muxuu diinta oo dhan u diidi waayey illeen diinta Saxaabada ayaa dadka soo gaarsiiyey ee, hadii uu sidaa qabo ma wuxuu nagu qancinayaa anaa Caadil ahee warkayga maqla ee kan saxaabada Badda ku dara. waa war cusub!!!.
- isagaoo ka waramaya Khilaafada islaamka iyo waxyaalaha dhici doona dhimashada Nebiga ka dib ayuu qoray: “Suuro gal ma aha in Nebigu ka warbixiyo dhacdooyin dhacaya goor danbe oo taariikhda islaamka ka mid ah” Bogga “94”.
Hadaba islaam Allow Nebi Cirka looga waxyoonayo oo adduun iyo aakhirba ka waramaya malla oran karaa dhowr sano kadib ma ogaan karo waxa dhici doona, haduu ula jeedo qoraagu isaga oo aan loo waxyoon, waxaan ugu jawaabaynaa Arrinkaasi sax ma ahan oo waxaaba Nebiga (SCW) ka sugnaatay Axaadiith aad ufara badan oo uu kaga hadlayo Fitnada dhici doonta gadaashiisa.
- wuxuu qoray “Mowduuca xadka riddadu wuxuu safka hore uga jiraa mowduucyada goor danbe Diinta lagu biiriyey si loogu adeegsado siyaasadaynta diinta” Bogga “96”.
Hadda wuxuu qoraagu si cad ucadeeyey Dulucdii qoraalkiisa oo ah dadka halla daayo Diintay doonaan ha qaateenee Riddadana wuxuu ka dhigay wax aanan diintaba shaqo iyo shuqul toonna kula lahayn, balse waa yaabee sidee buu ugalayaa Aayadaha iyo Axaadiithta ku soo aroortay ma mid mid buu u liqayaa mise halkooduu Sacabada ku saarayaa.
Hadii aan intaa ku dhaafo hadaladaas xambaarsan Aflagaadad iyo dhaleecaynta Diineed iyo mid Nebiba, waxaa isweydiin leh: Qoraa Bashiir Ma wuxuu Cabdi Saciid kula Safan yahay oo u gayfanyahay Difaaca Buugga ay ku qoran yihiin erayadan aan soo sheegnay oo mid kasta oo ka mid ahi uu ka culus yahay Buurta Uxud, mase wuxuu walaalku diyaar uyahay in uu Cabdi saciid la qaybsado Danbiga Buugan iyo Godobta Eaba weyna uu ka galay.
Mase la oran karaa odagu Buugga waxbuu ka ogaa oo waa qaade iyo qariye Mase lagu tilmaami karaa qoraaga in uu isagu ku jiro ded-degii uu Shiikh Umal ku tilmaamay oo wax uusan war uhayn ayuu difaac ula soo jilba-jabsaday oo hiil iyo hooba lagarab istaagey, haddana uu gabalku ugu dhacay gunta iyo gudaha Ceelkii walwaaleed oo laga kala caraabay. mase isweydiiyey Bashiir in Ninka Nebi Muxamed (SCW) caayey uusan isaga khayr ugaleyn iyo in kale “Ninkii Hooyadii ka guurey Aayadii uma nagaado”.
Bashiirow ma waxaad Aaminsan tahay in Nebi Muxamed(SCW) Bililiqo ku nool ahaa, hadii jawaabtu haa tahay Maxaa kugu wata in aad diin ka hadasho, maad iska bareerto hadiise ay jawaabtu maya tahay ma waxaa ku xiga oo ehel kula ah ninka hadalkaas qalinkiisa ku qoray mase ninka ka dhiidhiyey gafkaas loo geystey Nebiga (SCW).!? waxaan jeclaan lahaa in aad si fiican u akhriso Aayadaha: 105-113 ee Suuradda An-nisaa. waxaad ka heli doontaa waano iyo waciid Rabbi oo ku qanciya, Ilaah idamkii.
maku raacsantahay in Diintu tahay sidii Hilib dar lagu qalay iyo jaantaa ragan oo qofkii ka helaana uu dalaq yiraado kii ubogi waayana isaga caraabo!?. taas oo micnaheedu yahay hadii ladoonana dhammaan Muslimiintu way gaaloobi karaan.
bal si dhab ah udhuux hadalada aan kaaga soo guuriyey Buuggiisa si Ammaano leh oo aanan waxba ku darin waxna ka dhimin ee aan ku suntay qodobada: 1-7. kadibna jawaabta naftaada weydii, waxaan hubaa hadii qalbigaaga Iimaan ku jiro in aad dib isu garwaaqsan doontid, Shiikhana aad u aqoonsan doonto Halyeey diineed, hadii kalase Yeelkaa. waxaa layiri: ” waxaa taladaada loo dhiibtaa Nin aan Hadimadaadana ka talinayn Haragna kaa bursanayn” Allow ma kula taliyey.
waxaa uu qoraa Bashiir uu dhaleceeyey Shiikh Umal iyo Culumada kale ee saaxiibadiis ah si aad u fool xun oo aan ku samayn afka Ruux qoraa ah oo ka rajo qaba in dib danbe hadalkiisa iyo hawraartiisa loo milicsado, waxaadna moodaa in qoraa bashiir uu haraaciyey sida haan daboolka laga qaaday isaga oo soo bandhigay wixii utun iyo uur-gumaar ahaa ee Uurkiisa ku duugnaa balse waxaa horay loo yiri “Nin xuux yiri wax ma oran Nin la yirina wax lama oran” Af caytamay ninkiis buu kuyaalaa” “waan bahanahay bakhtiga looma cuno”.
wuxuu qoraa Bashiir Sawir aad u foolxun ka bixiyey wadaadada isagaoona ku tilmaamay in ay yihiin Niman diinta halkey doonaan u hogaansada, haday doonaanna ku xammaasha, Diintuna ayba keligood u afduubantahay balse wuxuu ilaawey qoraagu in Wadaadku yahay kii isu meheriyey Aabihiis iyo Hooyadiis, kii salaadda baray iyo midka uu ka sugayo marka uu dhinto in uu ku tukado, taasoo micnaheedu yahay in uusan Wadaad ka maarmi karin hal maalin oo noloshiisa ka mid ah-dhalsho ilaa dhimasho- waxuuna yiri nin Soomaaliyeed oo ka xumaaday sida nin kale ugu abaal guday “sidaan kuugu lisay iiguma aadan hambayn” Allow wadaad la,aan baan kaa magan galnay.
waxaa wax lala yaabo ah in aad ka dheehan karto dulucda qormada qoraaga in ay Wadaadada oo dhan Kafad saartay- Salafi, Suufi, Ikhwaani…Iwm- halka aad moodo in uu kafadda kale saaray Cabdi Saciid iyo Buugiisa iyo inta la Fikir ah, kadibna uu Miisaanka udheellisiiyey Dhanka Saaxibadiis. Cadaalad iga dheh. Wuxuuna yiri Nin Soomaaliyeed “Xaajada Abeey iyo Abeey Nin u Ardaa jiifey********* iyo haatan Wiil soo ifbaxay kee ariminteed leh”.
waxa aanna walaalka Xusuusin lahaa Hadalkii laga soo Guuriyey Caalimkii Weynaa ee Ibnu Casaakir Ad-dimishiqi oo ahaa: “Hilbka Culumdu waa Sumaysan yahay Qofkii Qaniinaa waa ku Xanuunsadaa kii cunaana waa ku dhintaa, waxaana looga soo joogay dadka Culumada dhaleeceeya wax badan oo Sumad ciqaabeed Rabbi ah”.
Tan kale miyeeysan qoraaga u muuqanin in Culumada oo la dhaleeceeyaa ay Diinta dhaleecayn ku tahay waayo waa Afhayeenadii Diinta iyo dadkii ilaa Qarnigii koobaad soo waday, Diintuna ma hadasho ee waxaa ka hadliya Culumada, Xaqiiqada aan indhaha laga qarsan karinna ay tahay Weedhii Ninkii Soomaaliyeed uu yiri: “Dhoobada Qardhood lama huroo waad ku dhalateenee, Ninse Dhurwaaya diidaa marbuu dhidarro raacee e”. hadaba waa yaabee hadii ujeedada qoraagu tahay ka xoraynta Culumada Bulsha weynta waa Tuma cidd uu uhayo ee booska u rashaxan, Ma Caqlaaniyiinta mise kuwa Afafka qalaad ku hadla, mise kuwo dhalan doona, oo waa yaabee miyeeysan u ekayn Xaajidu “Miro gunti ku jira kuwo Geed saran looma daadiyo”. ama haddaan si kale udhigno miyeeysan tani la fil ahayn, Ninkii Marada quruxda badan ninka ku arkay kadibna ku yiri “walalow tani anay igu samaan lahayd”!!.
Hadaba Bashiiroow armaysan xaajadu ahayn sida aad uhaaneedey. ee ay tahay “Kab gantaaleed Ninba dhan uga muuqatay”. waxaana Giraantan ku gabagabayn lahaa: hadii aad Shaxda udhigtay Wadaad iyo Waranle armaysan Sidaas kuu badin ee ay kuugu fiicnaan lahayd dhan kale in aad ka haaneeddo, waxanna kugula talin lahaa Oraahdii Hurre Walanwal ku yiri Rag ay beri is hayeen :“Warrooy Libin Ma Hayn Doontaanee Ha Gil-gilina Hootada”.
Qoraa Bashiir wuxuu utalaabsaday Diinta wuxuuna yiri: “Diimuhu markoodii hore waxay ahaayeen erayo aan qornayn, waxay ahaayeen erayo hadal ahaan loo meersho, balse, ka dib qaab fahamka laga qaato erayadaa ayaa wuxuu isu badalaa wax ku lifaaqan oon marnaba ka go’in, ama ka soko mara ishii dhabta ahayd, waxayna keentaa inay Diintu isu bedesho erayo micno la’aan ah, maadama laga soko mariyey xayndaab adag oo ay ku wareejiyeen dadkii ka ag-dhawaa imaashaha diinta, lana kow saday soo dajinteedii ama laga soo gaaray”.
Akhyaareey bal hadalkan ila dhuuxa, aniga waxaa si cad iigu muuqda in shaki weyn kaga jiro Bashiir saafinimada Diinta oo ay ugu muuqato mid wadaado wax ku darsadeen oo aan saafi ahayn balse waxaa isweydiin leh Miyaan ilaahay ku oran Aayadda 9-aad ee Suuratu alxijri: “Dikriga Annagaa soo dejiney annagaana ilaalinayna”. hadaba Bashiir miyuusan Aayadaas arag mase waa: “Gar qab oo gaada ku darso”.
wuxuu qoraagu ku gabagabeeyey talooyin isaga umuuqday uuna ku tilmaamay in ay yihiin kuwo qaybaha Bulshada lagu sixi karo, maba xuma, balse waxaa isweydiin leh isaga qoraaga ah yaa saxaya maxaase xal u ah khaladkiisa mase isagu maba gafo!? tan kale hadii uu Diintii ka dhigay wax wadaado keli ahi qol madow ugu xiran oo aan dadka kale wax war ah uhayn waa yaabee sidee iyagana loo saxayaa !? mase wuxuu ula jeedaa waa in Seef lagu saxaa, oo sow uma muuqato “iidaa anaa ku sanee”.
Gabagabadii:
waxaan qoraaga, Dadweynaha, iyo naftaydaba ugu baaqayaa Cabsida Rabbi iyo in lagu talo galo in ay jirto maalin danbe oo wax la iska weydiin doono wixii lagalabsaday Xumaan iyo Samaan labadaba.
si gaar ah qoraaga hadii aan ugu qarsado Talo walaalnimo waxaan oran lahaa: Bshiiroow Soomaalidu waxay tiraahdaa: Ninka dhuumanaayoo dhabaku muuqdow waa dharaar. walaalow Dariiqan ah in Caqliga Nusuusta Diinta laga Hormariyo dunida kuma cusba oo waxaa horay ugu hungoobay kooxo badan oo ay ka mid ahaayeen Qadariyo, Muctazilo, iyo kuwo kale wuxuuna macnihiisu yahay Waxkasta caqliga ayaa looga danbaynayaa oo hoggaaminaya taansa waxaa ka dhalnaya in la diido arrimo badan oo Diinta ku cad sida: Jannada Naarta, Xisaabta, Malaa ikta, iyo dhammaan wixii aan caqliga lagu cabiri karin. waxaanna aan kuu cadayn lahaa in Hal abuurka wax qorista iyo habaainta Umadda lakala saaraa ma aha Xakamayn Curiska lagu kacay ee waa Caqiido iyo Camal Diini ah.
midna haku naaloon in diinta lagu siidaayo Warabayaasha u maman in ay ku butaaciyaan haraaga Sunta ee Caqligooda qalloocan taasina 14-kii qarni ee lasoo dhaafay ma dhicin maantana ha ufdhinnina kuna bishaaraysta in Diintani leedahay halyeeyo Xikmad iyo Xujo labadaba diyaar ula ah. Allow taladu Talo ma tahay
Kaftan iyo madadaalo
“Haday Taladu meel baas gashoo odaya loo tuuro.
waxba Tororog baas lama hadliyo kaan waxtarihaynee.
halkaan tiginka ugu aasi jirey sow latebi mayo e.” Gabayaa Soomaaliyeed.
Mukhtaar Axmed Faarax
E-mail: [email protected]