Wafti baalaran oo uu hogaaminayo Islaam Bashiir Islaam Cabdille Iyo Sh .Maxamed Macalim Axmed oo 13 bishaan ka an babaxay magaaladda buurtinle ayaa gaaray Tuulada magaclay waxaana ay sii mareen in tabadan dhulkii dagaalku kadhacay waxayna kula kulmeen Waxgarad kaladuwan .
Waxaana maantay waftigaani uu gaaray magaalada Magaclay halkaas oo lagu qabtay Shir balaaran oo loo balan sanaa waxaana shirka Furay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Cabdullahi Faraweyne Isagoo Ugu baaqay Dhamaan In laga wada shaqeeyo Nabada Islamarkaana Kacodsaday Odayaasha Waxgaradka Iyo Guud ahan Bulshada Halkaas Kunool in ay qaataan nabada.
Sh.Maxamed Macalim Axmed ayaa gobta kasoo jeedshay wacdi qiima badan waxaana uu uga digay Daadinta Dhiig Muslim in ay tahay waxaana sheekhu soo qaatay ayaa yado kahadlaya Xurmada uu leeyahay Dhiigu isagoo dhanka kalana eebe ku dhaariyay in aysan fududaysan Dhiiga .
Waxaa kaloo goobta kahadlay Isimo Ay kamid ahaayeen Suldaan siciid Garaase Iyo Imaamka Iyo waliba Madax dhaqameed kale waxayna dhamaan ka codsadeen in ay kaqaataan nabada ay u wadaan .
Waxaa Iyana dhan kooda soo dhaweeyay Dadkii kala duwanaa ee halkaas loogu tagay una badnaa dadkii sida tooskaa colaada ugu lug lahaa waxayna balan qaadeen in ay qaadanayaan nabada ..
Ugu danbayntii waxaa shirka soo xiray Islaam Bashiir Islaam Cabdulle waxaana isna dhankiisa ugu baaqay in ay ilaaliyaan balantii ay qaadeen ee ahayd in ay qaateen nabada waxaana uu eebe kabaryay in illah nabad dhax dhigo Bulshada walaala ha ah waxayna Salaada maqrib kadib ay waftigaani u soo an babaxeen Magaalada Buurtinlle wixii kazoo saaida Kalasoco Halgan .net
Nuur Jaamac Aadan AL-minhaaj Puntland