+252 90 7798232 [email protected]

Muxaadaradaan ayaa waxay ahayd mid aad muhiim u ah waxayna ka dhacday masjidka  abuu hurarayra  ee magaalad gaalkacyo , waxaan kasoo qayb galay dhamaan qaybaha  kala duwan ee bulshada  sida   culimada odayaasha   dhalinyarada  iyo haweenka, waxaana soo jeedinayay Sh.Maxamuud Barre Ciid (Sahal).

Muxaadarada ayaa waxaa lagaga hadlay muhiimada walaalnimada islaamka  iyo fadliga ay leedahay  waxayna qaadatay wakhti aad u dheer   wuxuuna sheekhu aad  ugu dheeraaday  kala saraysiinta dadka   sida qabyaalada   iwm  wuxuuna sheegay inay tahay   waxa kaliya ee  isu keeni kara bulshsda muslliimta ah gaar ahaan  bulshada soomaaliyeed   maadaama ay aad ukala fogaatay   sababa la xiriir qabyaalada iyo  bulshada soomaaliyeed oo aan dareen sanayn  muhiimada ay leedahay walaatinimada  islaamka.

Sh.Sahal wuxuu ugu hadlay Muxaadarada Qodobada kala ah:

1-Muhiimada ay leedahay Walaalnimada Islaamka: Umad walba waxaa ay ku taagan tahay isku xirnaan iyo midow hadii aysan taasi jirin awoodna malahan hormar iyo Sharafna haba sheegin.

2-Fadliga iyo Dheeraadka ay leedahay: 1-waxay keentaan in Maalinta Aakhiro labada Islaamka ku walaaloobay ay harsadaan Harka Carshiga Alle maalinta uusan jirin har kale.

2-Waxay kamid tahay Nimcooyinka Alle uu ugu mano sheegtay Muslimiinta قال تعالى : (اعتصموا بحبل الله جميعا ولا تفرقوا واذكروا نعمة الله  عليكم إذ كنتم أعداء فألف بين قلوبكم فأصبحتم بنعمته إخوانا…)

3-Waxyaabaha Xoojinaya Walaaltinimada Islaamka: Walaaltinimada Islaamka waxaa xoojin kara:

B-Booqashada Alle hadiithul Qudsi wuxuu ku yiri : (Jacaylkaygu wuxuu u ahaaday kuwo dartay isku booqanaya)

T-Faafinta Salaanta : Nabigu wuxuu yiri : (ا تدخلون الجنة حتى تؤمنوا ولا تؤمنوا حتى تحابوا أولا  أدلكم على شيء إذا فعلتموه تحاببتم أفشوا السلام بينكم)

J-Is gacan qaatka (Salaan) قال رسول الله ‏ ‏صلى الله عليه وسلم ‏ ‏ما من مسلمين يلتقيان فيتصافحان إلا غفر لهما قبل أن يفترق

X-Booqashada Qofka Xanuunsan عن أبي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ : ( حَقُّ الْمُسْلِمِ عَلَى الْمُسْلِمِ خَمْسٌ : رَدُّ السَّلَامِ وَعِيَادَةُ الْمَرِيضِ وَاتِّبَاعُ الْجَنَائِزِ وَإِجَابَةُ الدَّعْوَةِ وَتَشْمِيتُ الْعَاطِسِ(

Kh-U gargaarida Dulmanahaقَالَ أَنَسٌ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ” انْصُرْ أَخَاكَ ظَالِمًا أَوْ مَظْلُومًا

D-Yeelida Qofka kuu yeera (Cunto iyo wax wanaagsan) Danbiga laakiin maya.

R-Isu kaalmaynta waxa khayrka ah. قال الله تعالى : (وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَى وَلا تَعَاوَنُوا عَلَى الإِثْمِوَالْعُدْوَانِ(

S-ka fogaanshaha Dulmiga iyo gardarada عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: “الْمُسْلِمُ أَخُو الْمُسْلِمِ لَا يَظْلِمُهُ وَلَا يَخْذُلُهُ وَلَا يَحْقِرُهُ التَّقْوَى هَاهُنَا” وَيُشِيرُ إِلَى صَدْرِهِ ثَلَاثَ مَرَّاتٍ، “بِحَسْبِ امْرِئٍ مِن الشَّرِّ أَنْ يَحْقِرَ أَخَاهُ الْمُسْلِمَ كُلُّ الْمُسْلِمِ عَلَى الْمُسْلِمِ حَرَامٌ دَمُهُ وَمَالُهُ وَعِرْضُهُ

Sh-Isu turida iyo isku naxariisashada.قال صلى الله عليه وسلم : (مثل المؤمنين في توادهم وتراحمهم وتعاطفهم مثل الجسد الواحد إذا اشتكي منه عضو تداعي له  سائر الجسد بالسهر والحمى)

Dh-Isu ducaynta قال صلى الله عليه وسلم : ما من عبد مسلم يدعو لأخيه بظهر الغيب إلا قال الملك : ولك بمثل

Walaaltinimada Muslimiinta

C-Waanada iyo Xayrmiirida (Naseexo).

4-Miraha laga helayo Walaalnimada: Walaaltimada waxaa laga faaidayaa laba Faaido mid Aduun iyo mid Aakhiro:

Mida Aduun:

– Midowga Musliimta

– intay Meesha kabaxdo kala saraynta Maciishada Dadwaynaha.

– Waano iyo wax sheeg aan kala go’ lahayn.

– Horumar la dheeraado Umadaha kale.

Mida Aakhiro:

– Janno

– ka nabad Galida Dhibaatooyinka Maalinta Qiyaamo.

Si kastaba ha ahaatee Muxaadarada ayaa waxaa ay kusoo gaba gabowday Talooyin Dhaxal galka ah oo uu soo jediyay Sh.Muxamed Macalin Axmed.

C/laahi Sahal Maxamuud

Xafiiska Warfaafinta ee Mu’asasada Al-Minhaaj (Mudug)