+252 90 7798232 [email protected]

hadiyad sh umal 2Laascaanood:-Waxaa Caawa ka dhacdey Masjid Jaamaca Weyn ee magaalada Laascaanood Muxaadaradii u danbeysey oo uu ka Jeediyey Sh.Maxamed Cabdi Umal oo habeenkii Saddexaad ka galaya Muxaadarooyina Taxane ah oo uu maalin iyo Habeen wadey Shiikhu wuxuu Jeeediyey Muxaadaro Cinwanakeedu yahay : Sidee Loo Ilaalinkaraa Midnimada Ummada Islaamka .

Wuxuu Shiikhu aad uga waramey Qawaacidda uu Alle u dejiyey Ilaalinta Midnimada Islaamka , sidoo kale Wuxuu Shiikhu kale oo ka waramey wixii ay ka Tidhi Iskhilaafka iyo Kala Didida Ummada iyo Dhibaatooyinka ka Dhalanaya Hadii laga Leexdo Midoobida iyo Raacidda Wadadii Alle jeexey . Markii uu Shiikhu Dhameeyey Waxaa Kaloo Ka Hadley Culimo Kale , oo Shiikha Safarkiisa Dacwadeed ku Wehelinayey , Sidoo Kale Waxaa ka Hadley Gudoomiyaha Mus’asasada ALKARAM Faraceedda Gobolka Sool SH Axmed Muxamed Suleymaan.

Waxaa Kaloo Ugu Danbeyntii Hadalka Soo Gabgabeeye Shiikh C/Naasir Xaaji Axmed oo Bulshada Reer Laasacaanood Ugu Baaqey Inay Ku Dhaqmaan Wixii Waano iyo cilmi ah ee uu Shiikhu u Faa’iideeyey .Ugu Danbeyntii  Shiikh Maxmed Cabdi Umal ayey  Gudoonsiiyeen Hadyad Qaali ah , oo ay Ugu Talagaleen Bulshada Reer Laascaanood Gaar ahaan Hablaha Ka Qalin Jabiyey Mac-hadka Alfurqaan ee Barashada Diinta iyo Draasaadka Islaamka.

Hidyadan oo ahayd Hidyad ah:Dhar Hiddo iyo Dhaqan iyo Bakoooradii Odayaasha Soomaaliyeed  ee Quruxda Badneyd . Shiikh Maxamed Cabdi Umal ayaa aad ugu Farxey , Kana Guddoomey Wakiilkii Bulshada Laascaanood ee Sh C/Naasir xaaji Axmed.

Waxey U bixiyeen Reer Lacaaanood Sh.Maxamed Cabdi Umal (Abulgeyth) , Culimadii La Socotey Shiikhana Waxey U bixiyeen Magaalda Laascanood Magac kaasoo ahaa :(LAASKII CILMIGA ) Halkii la Odhan Jirey Laascaaanood. Shiikha Markii uu soo galayey Laaska Cilmiga waxaa lagu soo dhaweeyey Hiddaha iyo Dhaqanka , Waxaanu lagu Sagootiyey Hadyad Qaali ah oo Hidde iyo Dhaqan ah . Sh.Maxamed Cabdi Umal Wuxuu Maanta u Duceeyey mar Muxaadaro u Jeedinayey Bulshada Reer Laascaaanood , Soomaali ,iyo Ummada Muslimiinta ah

hadiyad sh umal

hadiyad sh umal 4

Mu’asasatu Al-Karam

Laascaanood

Machadka Al-Furqaan