Nadwadaan oo ah mid si wanaagsan dadweynuhu dal iyo dibadba uga faa iidaysteen maa daama ay sitoos ah uga baxaysay Www.halgan.net website kaan oo ay kuxiran yihiin malaayiin qof waxaa laga dhagaysana yay dhamaan daafaha caalamka .
Waxaa caawa muxaadaro lama ilaawaan ah soo jeedshay labada sheikh ee kala ah Sh. Xasan Maxamed Ibraahiim(Abuu xasaan) Oo kuqornaa muxaadarada qayb teedi hore Iyo Sh.Maxmauud Xaaji Yuusf Oo kuqornaa muxaadarada qaybteedii labaad .
waxaana sheikh Abuuxasaan ciwaan uga dhigay Muxaadarada qaybteedii hero Mas,uuliyada saran qoyska muslimkaa waxaana sheekhu si faah faasan uga hadlay Xuquuqda ay isku leeyihiin iyo waa jibaadka laga doonayo sidookale waxaa sheekhu kahadlay xuquuqda ay kuleeyi hiin dariska iyo kan lagu leeyahya waxaan Sheekhu sooqaatay adila cadcad iyo nusuus kahadlaysa dariska iyo meesha ay gaarsiisay diinteena suuban waxaana uu aad ubo gaadiyay in dadka dariskaa iyo qaraabada iyo sidookale dadka soco tadaa laxaqqdhowro .
Waxaa in taaskadib muxaadarada qaybteedii labaad galay sheikh maxamuud Xaaji yuusuf oo isna faahfaahin dheer kabixiyay gabadha iyo waqtiga ay ba naan tahay in laguursado ama lafuro waxaana sheekhu sheegay in aysan jirin waxaan diinteenu inoo sheegin oo horumar aduun iyo mid aakhiro lagu gaarayo waxaana sheekhu guud ahaan dadweynaha u dar daarmay in aay bartaan kitaabka allah iyo Zunada Nabigeena Muxamed Sallalaahu Calayhi Wasalam .
Intaaskadib waxaa lagalay su,aalihii dadweynaha iyo jawaabihii culimada waxaana dad weynuhu culimada soo weydiiyeen su,aalo aad u tirabadan kuwaas oo dhamaan ahaa kuwa laga faa iiday .
Waxaana caawa kamid ahaa culimadii su,aalaha kajawaabay Sh Cabdi Naasir Xaaji Axmed ,Sh.Xasan Maxamed Muuse (Sh.Xasan Bookh) ,Sh.Fu,aad Maxamuud Xaaji Nuur
Waxaana su,aalahaani ka imaanayeen meelakaladuwan oo kamid ah caalamka aynu kunoolnahay .
Waxayna caawa halkaas ku kusoo dhamatay muxaadaradii 3xaad eek amid ahayd nadwadii 7aad taas oo sanadwalba laguqabto Caasimadda Dowladda Puntland Ee Garowe
Waxaana habeen danbe oo taariikhdu ku began tahay 18/12/2014 loobalansan yahay Muxaadaradii Afraad oo ciwaan keedu yahay Islaamka iyo (Xuquuqda Gabadha Muslimadaa ) Iyo Sh .Cabdi Naasir Xaaji Axmed waxaana Aduun Koodhan Sidhib yar Ugadhagaysan kartaa WWW.Halgan.net.
Nuur jaamac Aadan
Xafiiska warbaahin ta Mu,asasada alminhaaj Puntland