Garowe. Waxaa la galay habeenikii labaad oo ay si toos ah u socoto muxaadaraadkii SH. Maxammed Cabdi Umal ee ka socotay magaalada garowe .waxaa na caawa oo ay tariikhdu ahayd (11/06/2014) -furay maxaadirada wasiirka amniga Xassan Cismaan Alloore.
Wasiirku waxa uu soo dhawayn ballaaran usoo jeediyay SH.MAXAMMED CABDI UMAL isagaoo islamarkaasna uu mahad wayn usoo jeediyayay gudiga soo dhawaynta shiikha oo ugu horreeyo wasiirka cadaaladda iyo dhammaan culimada gobolka iyo shacabka intaba.
Wasiirku sidoo kale waxa uu tilmaamay ahmiyadda amnigu leeyahay ,isga oo hoosta ka xariiqay in ay puntlaand ay tahay meelaha ugu ammaanka badan dunida.
Sidoo kale waxa uu aad ugu ammaanay culimada dawrka wayn oo ay ka qaataan arinmaha bulshada iyo in ay dawladda la fududeeyaan hawlo badan oo ku aadan haorumarinta bulshada.
Waxaa la galay habeenikii labaad oo ay si toos ah u socoto muxaadaraadkii SH. Maxammed Cabdi Umal ee ka socotay magaalada garowe .
Muxaadarada ayaa ku saabsanayd caawa oo ay taariikhdu ahayd 11/06/2014 DAROOGADA IYO HALISTA AY BULSHADA KU HAYSO .
SHiikhu waxa uu ku qeexay maandooriyahu inuu yahay wax kasta oo maanka dooriya si kastaba halloo adeegsadee sida in afka laga qaato ama sanka,irbad ahaan …iwm.
isaga oo shiikhu caddaynaya sababaha ay shareecadu u xaaraamaysay waxyaalaha doaroogada ah ee uu qaaku ugu horreeyo ayaa waxa uu ku tilmaamay kuwan :
- miisaanka ugu wayn ee diintu wax ku cabirto waxaa uu yahay maslaxadda iyo mafsadada ,hadaba marka miisaankaa la saaro qaadka waxaa soo baxaya inay tahay mafsado.
- waxa uu wax udhimayaa diinta sida ilaahay quraanku sheegay .
- waxa uu burburiya maalka iyo hantida bulshada.
- waxa uu wax u dhimaa caafimaadka bini aadanka sida lagu ogaaday baaritaano la smeeyay.
- waxa uu wax yeeleeyaa xubinka ugu qaalisan bini aadamka taasoo ah caqliga.
- waxa uu burburiyaa qoysaska iyo bulshada dhamaan ,waxa uuna ka qabqaadanayaa nabadgalyo darada.
- waxa uu halis ku yahay jiritaanka iyo mustaqbalka ummadda.
shiikha ayaa sheegay marka la isu geeyo sabababhaas oo dhan waxaan arkayanaa in qaadku yahay xaaraan is la markaana waxa uu ku tilmaamay inuu yahay masiibo qaran.
waxaa uu soo raray shiikhu hadallo badan oo ay ka yiraahdeen qaadka xaaraantinimadiisa iyo dhibaatooyinkiisa.
shiikhu waxa uu ka digay ereyo lagu khaldo shacabka sida ,waa quutu awliyo ,janaduu ka baxaa, diintaa loo kaalmaystaa, ..iwm isaga oo tilamaamay in caamada lagu khaldayo ayna ka danbeeyaan arikaa dad diin sheeganaya.
gabagabadii ayaa shiiku farriin adag u diray dadka oranaya qaadku waa xalaal isaga oo uga baaqaya dawlada iyo qaybaha bulshada inay gacan ka gaystaan joojintiisa.
Mu’asasatu Al Minhaaj
Garoowe Masjidka Al Hudaa