Tartankaan oo ah kii shanaad ee noociisa oo kale ah ayaa maantay waxaa uu ka furmay gudaha caasimadda Puntland Ee Garowe gaar ahaan Masjidka Weyn Ee Al-Huda .
Waxaana Tartankaan kasoo qaybgalay 27Tartamayaal oo kakalasocday dhamaan Goboladda Puntland waxayna ku Tartamayeen Heerarka Qur’aanka Oo kala ah 30Jus-20Jus-10Jus Waxaana dhamaan Ardaydaan Oo wajiyadooda laga dheehan karay Farxad iyo sida Arday walba usoo diyaar garoobay ay kusugnaayeen Masjidka Al-Huda .
Tartankaan waxaa kasoo qayb galay Xubno kasocda Dowladda Puntland oo uu hogaaminayo Wasiirka Cadaaladda ,Xoghayaha Dowladda Hoose Ee Caasimada Culimo Awdiin ,Ganacsato Iyo Boqolaal Dadwene ah oo soo camiray Masjidka .
Ugu horayntii waxaa goobta kahadlay Gudomiyaha Tartanka Sh.Axmed Yuusuf Daad Oo kawarbixiyay Tartanka ka iyo heerarkii uu soomaray iyo waliba Cida dhaqaale kutaageeratay iyo Halka ay kaklasocdaan Tartamayaashu waxaana uu Xusay Sheekhu Maalgaliyasha Sanadkaan
- Madaxweynaha Dowladda Puntland Prof Abdi Wali Maxamed Cali Gaas
- Shirkada Isgaarsiinta Ee Golis Telcom Somali
- Bank Salaam
- Shirkada Barwaaqo
- Shirkada Dawada Ee AlTowbah
- Al-Mcaruuf Super Markt
- Shirkada Somtel
Faarax Xaaji Mire oo matalayay Shirkada Isgaarsiinta Ee Golis ayaa isna dhankiisa amaanay Sida Ay Golis Ugu Faraxsan Tahay In ay Noqoto Shirkadii Bilowday Tartankaan Cidbadan na ay kagadayato wuxuuna sheegay in ay Golis Tahay Shirkada Garabtaagan Qur’anka Iyo Ehelkiisa .
Intaas kadib waxaa lagu soo dhaweeyay Sh.Mukhtaar Axmed Faarax Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj Gobolka Nugaal oo isna dhankiisa Kahadlay Sida Ay Ka Mu’asasa Ahaan Ugu Faraxsan Yihiin Iyo waliba In sanadwalba laguqabto Garowe waxaana uu mahadcelin u soo jeedshay cidwalba oo kaqayb qaadatay .
Ugu danbayntii waxaa Xaflada Sirasmi ah U Furay Wasiirka Cadaaladda Iyo Arimaha Diinta Mudane Saalax Xabiib waxaana uu u Hanbal Yo udiray ardayda Isaga Oo Xusay In dhaman Ardaydaani Ay Yihiin Kuwa guulaystay dhanka kale waxaa uu bulshada ugu baaqay in ay Wey neeyaan Kalaamka ALLAH Waxaana uu kudhawaaqay InTartanku Sirasmi Ah U furan yahay .
Waxaana loo gudbay Tartanka Qaybtiisa labaad oo ahayd Tartanka oo Bilowday Qaybtiisa 30Kajus waxaana bari loobalan san yahay In Lasoo Afmeero Tartanka Isagoo Xafladda Weyna Lagu wado In Laqabto Maalinta Jumcaha waxaana Tartankaan Sitoos ah Looga Dhagaysanayay Dhamaan Xarumaha Al-Xikma ay Kuleedahay Deegaanada Puntland .
Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahinta Mu’Asasada Al-Minhaaj Puntland