+252 90 7798232 [email protected]

Mu’asasada Alminhaaj Gobolka Nugaal ayaa waxay waday maalmihii lasoo dhaafay wacyi galin balaaray wacyigalintaas oo ardayda waxbaratay lagalahadlay Sadex Qodob oo muhiim u ah ardayga iyo Bulshada uu kasoojeedo Mustaqbalkood Waxaana Halkudheg u ahaa Wacyigalinta Todobaadka.(1) Kadigida Fikirka Qaloocan (2) Dareemidda Mas’uuliyada Diimed (3) Kahortaga Dhaqan Xumada :

Culimada ayaa ardayda ku waaniyay  in ay qaataan mas’uuliyada kasaaray Diintooda Dalkooda iyo Dadkooda waxaana culimadu Xooga saareen Sidii looga hortagi lahaa Dhaqamada Xunxun Sida Labiska aan waafaqsanayn Shareecada Islaamka Daawashada Muuqaalada Xun Iyo wixii lamid ah .

Culimadaan waxaay Kaboobnaayeen

  • C/rashiid Maxamed Ismaaciil
  • Jaamac Siciid
  • Mukhtaar Axmed Faarax
  • Maxamed Cali Axmed
  • C/risaaq Dahabi
  • Cabdullahi Siciid Xoday
  • Cabdirisaaq Xaaji Maxamed

Dhamaan Culimadaan ayaa isku qaybiyay Goobaha waxbarashada waxaana ardaydu uga mahadcelisay sida waqtiga ay usoo hureen  Iyo goo kacodsaday in aysan noqon kii ugu danbeeyay ee Culimadu joogteeyaan,

Intaas kadib Idaacadda Qur’aanka kariimkaa Al-Xikma ayaa ardayda ladhaxqaaday Makarfoonka waxaana ardayda guud ahaan ay balan qaadeen fulinta dacwada culimadu soo gaar siisay .

Nuur Jamac Aadan .

Alminhaaj Puntland 

 

1449680486130 1449680485519 1449680482605 IMG-20151210-WA0010 IMG-20151210-WA0005 IMG-20151210-WA0000 IMG-20151210-WA0007 IMG-20151210-WA0021 IMG_20150921_075451 IMG_20150921_075513 IMG_20150921_075402