Galkacyo:-Masuuliyiin ka socotay Xafiiska Dacwada Iyo Tacliinta Ee Al Minhaaj Mudug ayaa gelinkii Dambe ee shalay Waxay Magaalada Galkacyo ka bilaabeen Kormeer ku Aadan Ukuurgelidda Xaaladaha Ka Jira Masaajidda ku yaal Gobalka Mudug
Masuuliyiinta ayaa shalay Booqday Masaajiddyo ku kala yaal qaar ka mida Xaafadaha Magaalada Galkacyo gaar ahaan Masaajidda kala ah
- Masjidka Nuurul Yaqiin
- Masjidka Rashiid
- Masjidka Nasrudiin
- Masjidka Usaama Binu Zeyd
Masuuliyiinta oo uu Gudoominayay Gudoomiyaha Xafiiska Dacwada Iyo Tacliinta Ee Al Minhaaj Mudug Sheekh C/raxmaan Xasan Maxamed ‘’Qoryooleey’’ayaa kulama kala duwan la yeeshay Maamulka Masaajidda ay booqdeen waxayna kala hadleen Xaaladaha Dacwadeed ee ka jira Masaajidda ay Maamulaan.
Maamulada Masaajiidda ayaa intooda badan waxay ka sheekeeyeen Hawlaha Dacwada ee ka jira Masaajidda sida Duruusta laga Akhriyo Masaajiidda Iyo Nashaadaadka kale ee ay qabtaan.
Sidoo kale Maamulada Masaajidda ayaa waxay mahadcelin iyo bogaadin ay usoo Jeediyeen Maamulka Sare Al-Minhaaj Mudug dadaalada iyo Juhdiga ay wadaan waxayna soo gudbiyeen baahiyaha ka jira Masaajidda qaar waxayna Masuuliyiintii Xafiiska Dacwada Iyo Tacliinta Ee Al Minhaaj Mudug oo uu Hogaaminayay Sheekh Qoryooleey ubalan qaadeen inay wax ka qaban doonaan baahiyahaasi loo soo gudbiyay.
Si kasta ha ahaatee Kormeerkan ay bilaabeen Masuuliyiinta Xafiiska Dacwada Iyo Tacliinta Ee Al Minhaaj Mudug ayaa waxa uu qeyb ka yahay Dadaalada iyo Hormarka balaaran ee uu gaarayo Maamulka cusub ee Al-Minhaaj Mudug oo intii Xilka Loo Magacaabay Sameeyay hormaro wax ku oola.
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Alminhaaj Mudug