+252 90 7798232 [email protected]

 

Galkacyo:- Gudoomiyaha Xafiiska Mashaariicda Mu’assasada Al minhaaj Mudug Maxamed Xasan Waloore ayaa xalay gudoonsiiyay Kutub gudoomiyaha Xafiiska Mu’assasada Al Minhaaj ee Galdogob.

Maxamed Xasan Waloore ayaa gudoomiye Farxaan Cabdulaahi Axmed gudoonsiiyay kutub gaareysa 540 kutub,oo loogu talagalay in la gaarsiiyo goobaha waxbarasho ee ku yaala Galdogob Iyo Deegaanada hoos yimaada.

Gudoomiyaha Xafiiska Mu’assasada Ee Galdogob Sheekh Farxaan Cabdulaahi Axmed ayaa uga mahadceliyay gudoomiyaha Xafiiska Mashaariicda Ee Mu’assasada Al Minhaaj Mudug gudoonsiinta kutubtan iyo dadaalka uu wado xafiiskiisa.

Sidoo kale Gudoomiye Farxaan ayaa kula dardaarmay Gudoomiye Maxamed Xasan Waloore in kutub Iyo Agab waxbarasho la gaarsiiyo Deegaanada Fog Fog ee Gobalka si ay uyaraato Baahiyaha Dacwadeed ee ka jira Deegaanadaasi.

Si kastaba ha ahaatee Wareejint Kutubtan ayaa timid xilli Gudoomiyaha Xafiiska Mu’assasada Ee Galdogob uu soo gaaray Xalay  Magaalada Galkacyo kulama kooban la yeeshay Maamulka Sare Al Minhaaj Mudug.

Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Al-Minhaaj Mudug