+252 90 7798232 [email protected]

 

Galkacyo:-Gudoomiyaha Xafiiska Mashaariicda  Mu’assasada Al-minhaaj Mudug Maxamed Xasan Waloore ayaa maanta Kutub Qur’aan Iyo Qalab Waxbarasho gaarsiiyay qaar kamida Xarumo waxbarasho oo  ku yaala Magaalada Galkacyo.

Xarumaha  waxbarasho ee uu Gudoomiyihu  gaarsiiyay Kutubta Iyo Qalabka waxbarasho ayaa waxaa kamid ahaa Xarunta Xanaaneynta Caruurta ee Aayatiin iyo Xarunta Khowla Bintu Aswad.

Gudoomiyaha Xafiiska Mashaariicda  Mu’assasada Al-minhaaj Mudug Maxamed Xasan Waloore ayaa waxa uu uga mahadceliyay Maamulayaasha Xarumahaasi Juhdiga Iyo Dadaalka ay ku bixiyaan soo saarista Caruurtaasi yar yare ee ah ubixii beri wadanka hanan lahaa waxa uuna sheegay in Agankani uu yahay mid hor dhac balse ay rajeynayaan dhawaan inay soo gaarsiiyaan qalab intaan ka badan insha allaah.

Marwo Caasho Geesdiir oo ah Maamulaha Xarunta Xanaanada Caruurta Ee Aayatiin ayaa dhankeeda aad uga mahadcelisay Kutubta Iyo Agabka waxbarasho ee Xafiiska Masharaacidu soo gaarsiyay waxayna sheegtay inay uga faa’ideyn doonaan ardayda dhigata Xaruuntooda.

Sidoo kale macalimiinta wax ka dhiga Xarumaha la gaarsiiyay Kutubta Iyo Qalabka waxbarasho ayaa aad usoo dhaweyay waxayna sheegeen inay ku faraxsanyihiin helista Agabka iyo Kutubta ugana mahad celinayaan Maamulka Sare ee Mu’assasada Al-minhaaj Mudug.

Gaarsiinta Kutubta Iyo Agabka waxbarasho ee Xarumaha Aayatiin iyo Xa Khowla Bintu Aswad ayaa waxaa ku wehaliyay Maxamed Xasan Waloore Gudoomiyaha Guud ee Mu’assasada Al-minhaaj Mudug Ustaad Axmed Maxamed Xirsi ‘’Axmed Faratooyo’’  wuxuuna Gudoomiyaha ku amaanay Xafiiska Mashaariicda hawshan balaaran ee uu Bulshada maanta Gaarsiiyay.

Si kastaba ha ahaatee Xafiiska Mashaariicda  Mu’assasada Al-minhaaj Mudug ayaa wada Maalmahan dadaalo balaaran oo lagu xoojinayo Hormarinta Waxbarashada waxaana maamulka Xafiisku balan qaadeen in dhawaan ay Kutub Qur’aan iyo Agab waxbarasho gaarsiin doonaan deegaanada Iyo Xeryaha Barakacayaasha ee hoos yimaada Magaalada Galkacyo.

X.Warbaahinta Iyo Xiriirka Degmooyinka Ee Al-minhaaj-Mudug