+252 90 7798232 [email protected]

waxaa maantay si rasmi ah loo gu soo afmeeray tartanka Qur’aanka kariimkaa oo kasocday masjidka Al-Huda magaalada garowe Tartankaan ayaa ahaa mid 3dexdii bari ee lasoo dhaafay kasocday masjidka Al-huda .

waxaana kasoo qayb galay Duqa caasimada Puntland Ee Garowe Mudane Axmed Siciid Geele Shoodhe . Agasimaha guud ee wasaarada Cadaalada Mudane Maxamed Cali Faarax Iyo Gudoomiyaha Mu’asasada Al-Minhaaj Gobolka Nugaal Sh.Mukhtaar Axmed Faarax Odayaal Isimo Iyo dadweyne soo buux dhaafshay masjidka .

waxaa ugu horaynba xaflada kahadlay Sh.Xabiib C/qaadir oo gudoomiye u ahaa Culimadii Tartanka Qaadaysay waxaana uu uu ku dheeraaday baahida loo qabo guud ahaan bulshadu u soo laabto barshada Qur’aanka kariimkaa waxaa kaloo uu u dardaramay in waalidka iyo macalimiintu ay Xiriir joogta ah ka yeeshaan sidii ilmaha diinta barashadeeda loo jec laysiin lahaa .

in taaskadib waxaa makarafoonka lagu soo dhaweeyay Sh.Mukhtaar Axmed Faarax waxaana uu madah celin u soojeedshay Macalimiintii ardaydaan soo xulay waxaana uu sikhaasa ugu mahadceliyay macalimiintii ardayda badan soo diyaaariyay waxaana uu sheegay  in ay tahay mid kutusinaysa dadaalka ay macalimiintaasi Bixiyeen Iyo Sida ay u jecel yihiin ardayda ay hayaan in aymeel wanaagsan gaaraan.

Duqa caasimada Puntland Ee Garowe Mudane Axmed Siciid Geele Shoodhe ayaa isnadhankiisa amaanay Tartankaan waxaana uu u duceeyay cidii soo qaban qaabisay oo ay ugu horayso Mu;asasada Al-Minhaaj waxaana uu balan qaady in xafiiskiisu lashaqaynayo Cidwalba oo wada fidinta khayrka .

Ugu danbayntii waxaa xaflada soo xiray  Agasimaha guud ee wasaarada Cadaalada Mudane Maxamed Cali Faarax waxaana Uu Amaanay Shaqada weyn ee bulshada ay uhayso Mu’asasada Al-Minhaaj Oo ay kamid tahay Xafladaan Qiimaha badan waxaana uu ku baaqay in laxoojiyo Barashada Kitaabka Allah isagoo xusay Agaasimuhu In qur’aanka barashadiisu larabo in ay dhaqan ahaan inooka muuqato waxaana uu soo xiray Xafladii  iyadoo halkaas lagu qaybiyay Abaal gudkii loo diyaariyay ardayda gashay kaalimaha hore .

Nuur Jaamac Aadan

Xafiiska Warbaahinta Mu’asasada Al-Minhaaj Puntland

 

 

 

vlcsnap-2015-08-04-09h45m09s141 vlcsnap-2015-08-04-09h45m15s013 vlcsnap-2015-08-04-09h45m40s657 vlcsnap-2015-08-04-09h48m11s577 vlcsnap-2015-08-04-09h48m43s145 vlcsnap-2015-08-04-09h49m16s038 vlcsnap-2015-08-04-09h50m06s181 vlcsnap-2015-08-04-09h50m13s135 vlcsnap-2015-08-04-09h50m16s176 vlcsnap-2015-08-04-09h50m38s800 vlcsnap-2015-08-04-09h51m06s715 vlcsnap-2015-08-04-09h52m00s131 vlcsnap-2015-08-04-09h52m11s384 vlcsnap-2015-08-04-09h52m18s815 vlcsnap-2015-08-04-09h52m32s192 vlcsnap-2015-08-04-09h53m01s919  vlcsnap-2015-08-04-09h54m14s443