+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa galab nimadii jimcaha taariikh duna ku beegnayd 23/05/2014   kadhacday munaa sabad siheer sare ah  loo soo agaa simay xarunta weyn ee mac-hadka khadiija bintu khuwaylad ee lagu barto culuumta shareecada islaamaka , munaasabadaan oo iskugu jiratay  arday la gudoon siinayay abaalmarin iyo gudigii ardayda ee mac-hadka  khadiija oo xilka ku wareejinayay gudi cusub oo ardaydu dooratay.

Xafladaan  oo ahayd mid siheer sare ah loo soo agaasimay ayaa kadhacday machadka khadiija bintu khuwaylad  waxaana kasoo qayb galay maamulka mac-hadka  , maamulka Mu,asasada alminhaaj faraceeda gobolka nugaal waxaa sidoo kale soo buuxdhaafshay ardayda dhigata machadka waxaa na  goobjoog ahaa  labada gudi ee xilka lakla wareegayay ,DSC05507

munaa sabadaan oo laga soo jeediyay kalimado qiimo badan kalimadahaas oo ay soo kalajeediyeen  maamulka iyo ardayda  gaar ahaan ardayda kuguulaysa tay tartankii kasocday mudooyinkii lasoo dhaafay mac-hadka khadiija , waxaa ugu horaynba  xafladda kahadlay gudoomiyaha iskuxirka ardayda macaahid gobolka sheekh maxamed siciid waxana sheekhu ka warbixiyay tartanka iyo waqtigii uu soobilowday waxaa sidookale sheekhu kawarbixiyay  danta laga lahaa tartankaa waxaana uu xusay gudomiyuhu xusay in lagalahaa dano badan tan ugu muhiimsan na ay ahayd in ardaydu  barato sida tartanada looga qayb galo oo su,aalaha loo baaro maadaama uu soo fool leeyahay tartankii loo qabanjiray heer gobol  bisha ramadaanka , waxaa isna goobta kahadlay gudoomiyaha mu,asasada alminhaaj faraceeda gobolka nugaal ahna maamulaha mac-hadka khadiija  Sheekh mukh taar axmed farax waxaana sheekhu hanbalyo udiray fasalka kuguulaystay tartankan iyo dhamaan ardaydii soo tartantay  waxaana sheekhu  udardaarmay cabsida ALLE SUBXAANAHU WATACAA LAA ,                                                                                                                                                                        waxaana ugudanbayn tii sheekhu gudoonsiiyay abaalmarintii loo diyaarshay arday da kuguu laysatay tartanka

DSC05429 DSC05455 DSC05457 DSC05458 DSC05460 DSC05462 DSC05475 DSC05478 DSC05483 DSC05486 DSC05487 DSC05489 DSC05490 DSC05495 DSC05500 DSC05504  DSC05511 DSC05516a