+252 90 7798232 [email protected]

Manta oo khamiis ah taariikhduna ku began tahay 2014/12/4 waxa kadhacay markazka al-rawda ee magalada boosaso xaflad lagu daah-furayay xalaqaad cilmi ah oo socondoona mudo afar sano ah , oo lagu baranayo qaybaha kala duwan ee culuumta shareecada.

Xaflada daah furka barnaamijkan ayaa waxa kasoo qayb galay Qaar ka mid ah culimada ugu cansan Deegaanada Puntlan, Ganacsato, aqoon yahano, iyo boqolaal arday oo isugu jira rag iyo dumar, .

Ugu horayn waxa lagu furay xafalada aayado qur,aan ah oo uu halkaas ka aqriyay :  mubaarak maxam c/lahi.

IntaKadib waxa hadalka qaatay  fadiilatu-sh c/raxman bukhaari oo kahadlay muhiimada uu leeyahy cilmiga xalaqaadka, una jeediyay dad waynuhu inay kafaa-idaystaan culuumta sharicga ah una sabraan.

Sh/ faarax maxamad cajab oo ah gudoomiyaha mu,asasada al-minhaaj fareceeda gobolka Bari oo hadalka qaatay ayaa halkaas kalmad kusaabsan barnaamijka xalaqaadka kajeediyay, sh faarax oo hadalka sii watay ayaa sheegay in barnaamijkan uuu kadhashay dareen kayimid markii la arkay hoos udhac badan oo kajira dhanka barashada cilmiga sharciga ah, gaar ahaan xalaqaadkii masaajida oo aha xarunta asalka u ah culuumta diiniga ah.

Caalimka Soomaaliyeed Sh Daahir ow Cabdi oo isna madasha ka hadlay ayaa cabiray dareenkiisa ku aadan boqolaalkan arday ee diyaarka u ah inay xalaqaadkan cilmiga ka qayb qaataan, isagoo ku dhiiri galiyay inay ku sabraa, shiikha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in soomaalidu ay xalaqaadka asal u leedahay.

Sidoo kale waxa madasha ka hadlay Ustaad axmad maxamed siciid oo kuhadlayay magaca jaamacada bariga afrika , isagoo ka waramay sidaaysan ukala maarmin jaamacadaha iyo xalaqaadka msaajida, sidoo kalana cabiray farxadiisa ku aadan boqolaalkan arday ee diyaarka u ah inay xalaqaadka ka qayb galaan.

Intaa kadib waxa madasha kahadlay sh/ axmad yuusuf daad oo kamid ah gudiga masjidka al-rawda wuxuuna balan qaday inay diyaar la yihiin wax kasta oo looga baahdo masjidka.

Sidoo  kale waxa ka mid ahaa dadkii halkaas ka hadlay ganacsade Yaasiin Maxamuud cali (cukaashe), oo sheegay inay ganacsato ahaan diyaar u yihiin inay tageeraan barnaamijta noocan oo kale ah.

Sh maxamd macalin axmad  oo ka mid ah culimada wax ka bixin doonta barnaamijkan xalaqaadka ah,  oo isna madasha ka hadlay ayaa ka warbixiyay muhiimada uu barnaamijkan leeyahay, kulana dardaarmay boqolaalkii arday ee madasha   fadhiyay inay barnaamijkan ka faa,iidaystaan.

Gudoomiyaha guud ee Mu,asasada Al-minhaaj ee dacwada iyo hormarinta  ustaad maxamd c/llahi cabdille oo gabagabadii xaflada hadalka qaatay ayaa kasheekeeyay magaalooyin badan oo laga bilaabay barnaamijkan, sidookalana war bixin dheeraada kabixiyay barnaamijan iyo qaabkiisa.

Ugu danbayntii barnaamijkan xalaqaadka ah ee ka bilaabmay magaalada boosaaso, ayaa ah noqonaya xalaqaadkii ugu ardayda badnaa ee abid ka dhaca, iyadoo ay kor u aydhaafayaan ardayda isu dii waan galisay 1100 arday.

by : xafiiska iclaamka ee mu,asasada al-minjaah faraca bari.

 

 

al minhaaj board hormarinta xalqdka IMG_0321 IMG_0322 IMG_0325 IMG_0330 IMG_0331 IMG_0333 IMG_0342 IMG_0345 IMG_0351 IMG_0352 IMG_0353 IMG_0354 IMG_0356 IMG_0365 IMG_0366 IMG_0368 IMG_0369 IMG_0373 IMG_0378 IMG_0380