Madaxwayne ku xigeenka dowlada Puntland ee Soomaaliyeed Eng.Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa galabta ka qayb galay munaasibad lagu furayay qayb labaad oo ay lee dahay Shirkada Ganacsiga, Qurxinta Gaadiidka iyo Shidaalka ee Bixin.
Sidoo kale xaruntan la furay ayaa waxay kasoo horjeedaa Guriga UNPD waxana kasoo qayb galay xildhibaano, ganacsato, mamulka Gobalka Nugaal, Mamulka Garowe, Rugta ganacsiga Nugaal iyo masuuliyiin kale.
Maayarka Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor iyo Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdilaahi Ciise Aw-axmed oo ka mid ahaa dadkii munaasibadaan lagu furayay Bixin ka qayb galay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin xaruntan Ganacsi, waxayna sidoo kale sheegayaan inay qayb ka qaadan doonto horumarka baaxada weyn ee Gobalka ka socda.
Wasiirka Ganacsiga Xasan Soocade ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan xaruntan, hase yeeshee loo baahan yahay ganacsiyada isku eg in laga waan toobo oo dadka Hantida haystaa ay keenaan waxyaabo kale oo aan laga helin dalka si looga wada faa’iidaysto.
Maamulaha xaruntan cusub Xaamid Cabdi Samater ayaa sheegay inay ka shaqayn doonaan horumarinta gaadiidka isla markasna goobtani ay ka kooban tahay, Qurxinta Gaadiidka.hagaajinta Kuraasta iyo Farsamada gaadiidka, wuxuna intaasi ku daray Xaamid Bixin guud ahaan inay ka shaqeeyaan in ka badan kontan qof taasoo shaqaalaysiinta dhalinyaradda Puntland qayb ka ah.
Xildhibaan Siciid Cabdi Samater oo ka mid ah masuuliyiinta Hantida ku darsaday xaruntan ayaa sheegay inay shacabka si wanaagsan ugu addeegi doonaan.
Ugu danbayntii madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Camay oo xariga xaruntan cusub ka jaray ayaa sheegay ka dowlad ahaan inay ku farax san yihiin horumarka ka socda caasumadda, sidoo kale ganacsatada ayuu rajeeyay inay sii xoojiyaan howlaha ganacsi ee ka socda Puntland.
Xigasho Puntlandpost