Xafladaan oo Ay soo qaban qaabisay Mu’asasada Al-Minhaaj isla markaana siwanaagsan loo soo agaasimay ayaa lagu saa gootiyay Culimo Kuwajahan in ay cilmiga kabartaa Mac-Hadka Sare ee ducaada oo ku yaal Magaaladda Hargaysa .
Xafladaan oo ahayd mid balaaran kana soo qaybgaleen dad magac kuleh bulshada sida Culima Awdiin Xubno Kaladuwan oo ka socday Dowladda Puntland Oo Ay Kamid ahaa yeen Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane Cabdullahi Ciise Aw Axmed Xubno Kamid ah Xildhibaanada Dowladda Puntland Iyo Xubno matalayay ganacsatada Sidoo kale waxaa Goobta kusugnaa Odayaasha Dhaqanka .
Waxaana ugu horayntiiba lagu soo dhaweeyay Cismaan Maxamuud Dirir oo Mu’asasada Al-Minhaaj Puntland U qaabilsan Xiriirka gobolada ayaa kawar bixiyay xafladaan iyo aragtida kadan baysay waxaana uu sheegay in ay howshan adag ay tahay mid ay kafakareen culimadeena waa weyn gaar ahaan culimada macaahida sharcigaa waxaana ay dadaal dheer u galeen Mu’asasada Al-Minhaaj iyo Culimadu sidii lagu soo saari lahaa Culimo mustaqbalga umadda anfacda.
Waxaana uu sheegay in machadkaan uu kuyaal Mgaalada Hargaysa waxaana Ardaygu qaadan doo naa mudada dhan 2sano Cilmi gun dhigiisu yahay Shareecada Islaamka labo sano kadibna ay soo bixidoo naan iyagoo Culimo ah
Waxaa isna goobta kahadlay Sh Axmed DHeeliye oo hogaminayay Culimada ka timid mudug waxaana sheekh axmed dhheeliye sheegay in ay yihiin culimada uu horkacayay kuwa hadaba ka ahaa mudug Culimadda diinta daka gaar siiya waxaana u rajaynayaa dhamaan tood in ay ku najaxaan Howsha adag ee hortaal .
Waxaa sidoo kale Culimadaan cusub ladardaar may Culimada waa way oo ay kamid ahaa yeen Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf waxaana sheekhu ku yiri hadallo qiiro iyo dhiiri galin Xanbaarsan isagoo Culimadaan Cusub ee loogu magacdaray Culimadii Mustaqbalka Kacodsaday in ay noqdaan kuwa kasoo baxa kaalinta laga filayo .
Isku soo wada duuboo dhamaan Dadkiii goobta kahadlay ayaa sheegay in howshaan tahay mid dhaxal gal ah.
Waxaana ugu danbayntii Xafladaan Balaaran Soo Xiray Gudoo miyaha Gobolka Nugaal Cabdullahi Ciise Aw Axmed waxaana uu sheegay hadii aan anigu maantay helilahaa fursadaan oo kale waan ka faa iidaysan lahaa waxaana uu uduceeyay Culimada Mustaqbalka iyo Dhamaan Intii kasoo Shaqaysay Howshaan Dhalaxal Galkaa waxaana uu u dardaarmay Culimada Mustaqbalka In ay kasoo baxaan Waajibaadka Saaran .
Nuur Jaamac Aadan
Xafiiska Warbaahinta Mu,asasada Al-Minhaaj Puntland
HOOSKA DAAWO SAWIRADA