+252 90 7798232 [email protected]

Waxaa maalinimadii Khamiista: 4/12/2014 lasoo Gabagabeeyey Tartan aqooneed muddo dhowr iyo afartan cisho ah usocdey Ardayda Machadka Khadiija Bintu Khuweylid ee magaalada Garoowe, kaas oo lagu qabtay Xarunta labaad ee machadku ku leeyahay magaalada Garoowe.

Fallo kooban oo Machadka ah.Mac-hadka khadiija dintu-khuweylid waa mac-had ku yaal magaalada Garoore ee caasimad goboleedka Puntland-Soomaaliya ,waana mac-had lagu barto culuumta shareecada islaamka qaybaheeda kala duwan iyo  culuumta luuqadda carabig ah. waxaana ardayda lagu baraa maadooyin kale oo muhiim u ah nolosha qofka muslimka ah sida xisaabta, Juquraafiga, luuqadda Englishka, Kumbuyuutarka, IWM. Machadka oo la Asaaay Sanad dugsiyeedkii 2005/2006   ayaa ilaa iyo xiligaas waxaa ka qalinjebiyey arday gaaraysa ilaa: 109.

Waxaana lagu tilmaami karaa in uu mac-hadku yahay xarun cilmiyeed dhammaystiran taas oo soo jiidatay indhaha arday fara badan,uuna yahay xilligan xarunta ugu ballaran ee dumarku si gaar ah wax uga bartaan Gobolada Punt-land, sidoo kalana ay wax ka bartaan Raggu, gaar ahaan xilliga Habeenkii ah, marka laga eego dhinacyo badan. machadku waxaa uu xiriir dhow la leeyahay Jaamacadda bariga afrika, sidoo kale wax uu Xubin ka yahay Raabidada Macaahidda Shareecada Islaamka eee Soomaaliya,  Raabidadan oo ah Dallad ay ku bohoobeen macaahidda sharciga ah ee Soomaaliya.

Machadku wuxuu xarumo ku leeyahay magaalooyin kale oo ka baxsan Caasimadda Garoowe sida:

  1. Degmada Eyl.
  2. Degmada Dangorayo.
  3. Kala Bayr.
  4. Jalam.
  5. iyo Qarxis.

waxayna gaaraysaa ardayda dhammaan Xarumahaasi wax kabarata ilaa 950, arday

Waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka soo qaybgashay Xafladda : Culumaa udiinka Magaalada, Qaar ka mid aha Maamulayaasha Iskuulada Magaalada, Maamulaha Machadka, madaxa Nashaadaadka Machadka, waxaana soo xiray Xaladda Xildhibaan C/salaam Xuseen Bootaan, dhammaan Mas’uuliintan ayaa bogaadiyey dadaalka iyo firifirciinida ay ardaydu muujiyeen, waxayna ku dhiirri geliyeen in sii wadaan dadaalkooda.

Gabagabadii Xafladda ayaa waxaa la gudoonsiiyey Fasaladii Tartanka ka galay kaalimaha hore Shaadooyin iyo Jaa’isooyin fasaladaas oo kala ah.

  1. Fasalka lixaad qaybta D. Asaasiga ah                              kaalinta koobaad.
  2. Fasalka Afraad Qaybta sare ah.                                        kaalin Labaad.
  3. Fasalka Koobaad D. Asaasiga.                                           kaalinta Saddexaad.

waxayna kusoo dhammaatay jiwi degan iyo rayn rayn

NuurJaamac Aadam Alminhaaj Garowe

DSC06701 vlcsnap-2014-12-05-11h48m28s188 DSC06705 DSC06710 DSC06715 DSC06736 DSC06738 DSC06740 DSC06741 DSC06749 DSC06750 DSC06786 DSC06787 DSC06789 DSC06792 DSC06793 DSC06794 DSC06796 DSC06797 DSC06800 DSC06801 DSC06803 DSC06806 DSC06809 DSC06812 DSC06813 DSC06814 DSC06819 DSC06820 DSC06831 DSC06835 DSC06839 DSC06844 DSC06846 DSC06852 DSC06855 DSC06863 DSC06866 DSC06868 DSC06870 DSC06871 DSC06872 DSC06873 DSC06875 DSC06877 DSC06879 vlcsnap-2014-12-05-11h45m45s91 vlcsnap-2014-12-05-11h47m01s76 vlcsnap-2014-12-05-11h47m40s211