+252 90 7798232 [email protected]

Caawa oo ay taariikhdu ku beegantahay 21/12/2014–  28/2/1436, waxaa masjidka Al-Huda oo ku yaal magaalo madaxda dawladda Puntland Garowe ku qabsoomay xaflad loogu qaybiyey ardey gaaraysa 27 ardey ogolaanshaha gudbinta cilmiga ay barteen (اجازة علمية) , ardeydaas oo iskugu jirtay rag iyo dumar.

Xalaqaadka ka socda magaalada Garowe ayaa ah mid soo bilaamatay 2-sano kahor taasoo ay ka faa’idaysteen ardey gaaraysay 1100 ardey, ardeydaas oo kala leh heerar kala duwan, xafladdan ayaa ahayd mid ku qotonta sharfidda iyo ogolaanshaha loo ogolaanayo inay gudbiyaan cilmiga ay barteen heerka ugu sarreeya ardeyda xalaqaadka magaalada Garowe.

Ardeyda la siiyey ogolaanshahaas ayaa ah ardey soo baratay 32 kitaab, shan kamid ahina ay hadda socdaan oo ay gabogabo sii marayaan.

Sheekha ardeyda tiradaas leh soo baray kitaabadaas Sh. Cabdirisaaq Sh Suldaan Guul ayaa ka hadlay madashaas, sheegayna inuu ku faraxsanyahay helitaanka dhalinyaro gudbin karta aqoonta ay kasoo bartay xalaqaadkiisa, sidoo kale sheekhu wuxuu u mahad celiyey ilaahay kadib Mu’asasada al-minhaaj, taasoo lagarab taagnayd taageeridda ardeyda, dhiirrigalintooda iyo kawarqabkoodaba.

Isla madashaas, ardeydii qaadatay ogolaanshaha ayaa su’aalo kala gaddisan lagu waydiiyey, nasiib wanaag si wacan oo faahfaahin leh ayey uga jawaabeen ardeydaasi, waxayna muujinaysaa in ay ardeydaasi yihiin ardey waxay barteen weeleeyey.

Madasahan ayaa ahayd mid cammirana waxaana kasoo qayb galay xafladdan culumo, ardey, shacab iyo madaxda dawladda Puntland.

Culumada kasoo qayb gashay xafladdan ayaa sheegay in ay ku faraxsanyihiin helitaanka dadkii badali lahaa mustaqbalka, waxaa kamid ahaa culumada kasoo qayb gashay xafladdan Sh. Cabdirisaaq Suldaan Guul, Sh. Cabdinaasir Xaaji Axmed, Sh. Axmed Cabdisamad Cabdulle, Sh. Cabdiqani Qorone Maxmed, Sh. Mukhtaar Axmed Faarax iyo Sh. Xasan Ibraahiim ( Abuu Xassaan).

Wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo dhaqan celinta dawladda Puntland wasiir Ismaaciil Maxamed Warsame, ayaa kasoo qayb galay xafladdaan wuxuuna sheegay inuu ku faraxsanyahay in la siiyo ogolaanshaha cilmiga ay barteen dhalin yaradaasi, sidoo kale wasiirku waxa uu aad ugu mahad celiyey sheekhii soo baray ardeydaas kutubta intaas le’eg Sh Cabdirisaaq, wasiirku waxa uu ugu danbayn  soo xiray xafladdaas, waxa uuna guddoonsiiyey ardeydaas Ijaazaadkii loogu talagay inay ka qaataan kutubtii ay soo mareen.

Xafladdan ayaa ah mid kusoo beegmaysa xilli laga dareemayo magaalada Garowe koboca barashada cilmiga sharciga ah, gaar ahaan qaabka xalaqaadka ah, tirade ardeyda xalaqaadka ayaa ah kuwo soo kordhaya maalinba maalinta ka danbaysa.

Xafiiska Warbaahinta Mu,asasada Al-Minhaaj Garowe

DSC02192 DSC02188 DSC02187 DSC02182 DSC02184 DSC02185 DSC02186 vlcsnap-2014-12-22-06h52m25s114 vlcsnap-2014-12-22-06h52m02s149 vlcsnap-2014-12-22-06h51m33s112 vlcsnap-2014-12-22-06h50m50s198 vlcsnap-2014-12-22-06h49m35s209 vlcsnap-2014-12-22-06h50m23s180 vlcsnap-2014-12-22-06h50m28s233 vlcsnap-2014-12-22-06h49m28s146ardey xalaqaadka sh dahabi wasiirka cadaaladda dawladda Puntland vlcsnap-2014-12-22-06h49m06s181 vlcsnap-2014-12-22-06h48m50s17 vlcsnap-2014-12-22-06h48m30s80 vlcsnap-2014-12-22-06h46m21s64 vlcsnap-2014-12-22-06h47m11s58 vlcsnap-2014-12-22-06h47m25s193 vlcsnap-2014-12-22-06h46m30s154 vlcsnap-2014-12-22-06h46m34s199 vlcsnap-2014-12-22-06h47m37s58 vlcsnap-2014-12-22-06h47m56s247 vlcsnap-2014-12-22-06h46m56s155 vlcsnap-2014-12-22-06h47m07s13 vlcsnap-2014-12-22-06h48m18s208 vlcsnap-2014-12-22-06h45m03s56 vlcsnap-2014-12-22-06h45m08s97 vlcsnap-2014-12-22-06h45m31s76 vlcsnap-2014-12-22-06h45m43s202 vlcsnap-2014-12-22-06h45m54s48