+252 90 7798232 [email protected]

Xafladaan ayaa ahayd mid siwanaagsan loo soo agasimay waxaana lagu dhiiri galinayay  55 gabdhood oo Bartay Funuunta Kaladuwan Ee Cilmiga sharcigaa  kuwaas oo mudo badan ruuga u aasay siday u noqon lahaayeen Culimo Bulshada Anfacda .

Gabdhahaan oo wajiyadooda ay ka muuqdeen farxad ayaa dhamaan tood waxaa lagu xujeeyay Kitabtii ay soo barteen maadaama ay xafidsan yihiin hal kaas oo ay ku soo bandhigeen Xifdigooda waxaana dhamaan dadkii kasoo qayb galay ay si weyn ugu riyaaqeen gabdhahaan iyo ida ay u Xifdiyeen kitaabta Waxayna barteen  Funuunta Sharcigaa  waxaana kamid ahaa  Xadiithka, Fiqiga,Caqiidada  .

Waxaana xafladaan goobjoog ka ahaa Maamulka Mu’Asasada Al-Minhaaj Culimo Awdiin ISimada Dhaqanka Iyo Dadweyne Aad U farabadan Oo soo Buux dhaafshay Goobta.

Xafladda ugu horaynba waxaa lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Golaha Fulinta Mu’asasada Alminhaaj Gobolka Nugaal Sh Mukhtaar Axmed  waxaana uu bogaadiyay ardaydaan  isagoo u rajay yay in aay buuxin donaan baahi badan oo dhan ka dacwada ah  waxaana uu balan qaaday in sidii ay ugarab taagnaayeen ay ugarab taagnaan doonaan ka mu’asasa ahaanna ay siidoonaan tixgalin  iyo talagalyo .

Waxaa isna goobta kahadlay Sh.C/risaaq Dahabi oo ah Sheekha Culimada Soosaaratay Gabdhahaan waxaana uu sheekhu sheegay in ay tahay wax qalbigu iigu qaboobay markaan arkay Gabdhaan iyo CIlmiga ay Xanbaarsan yihiin .

Dhanka kale waxaa isna dardaaran siiyay Gabdhahaan Bartay Kitaabta Shareecada Islaamka Gundhigga u ah Sh .Maxamuud Xaaji Yusuf  waxaana uu siqiiro badan u la hadlay ardaydaan wuxuuna yiri kuxirnaada Culimadiina islamarkaana kadanbeeyay  Culimadii  Idin soo baratay Cilmigaan Qiimaha badan .

Ugu danbayn tii waxaa  xafladda soo xiray Suldaan Sh Abdi qani Qorane waxaana uu suldaanku sheegay in uu aad ugu farax san yahay  kasoo qayb galka xafladaan  isagoo dhanka kale suldaanku ugu baaqay dad weynaha  in ay ku daydaan gabdhahaan   isla markaana garab istaagaan barashada Shareecada Islaamka .

Nuur Jaamac Aadan

 Xafiiska War baahin Mu’Asasada Alminhaaj Puntland

IMG_20151106_163753 IMG_20151106_163756 IMG_20151106_163759 IMG_20151106_163804 IMG_20151106_163811 IMG_20151106_163822 IMG_20151106_163850 IMG_20151106_163857 IMG_20151106_163949 IMG_20151106_163959 IMG_20151106_164004 IMG_20151106_164057 IMG_20151106_164106 IMG_20151106_164110 IMG_20151106_165805 IMG_20151106_165820 IMG_20151106_170655 IMG_20151106_170715 IMG_20151106_170726