Xafladdan oo ay ardaydiisa Uu uqabtay Schoolka Hoose Dhexe Iyo Xifdinta Qur’aanka Ee Daaru Al-Hidaaya Garowe ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee Puntland kadhacda islamrkaana lasiiyo abaalmarin Iyo Shaadooyin arday dhamaysay Hikaada oo gaaray in ay wax qoraan islamarkaana wax akhriyaan Macalim La’aan .
Xafladaan oo ahayd mid uu soo agaasimay Maamulka Schoolka Hoose Dhaxe Ee Daaru Hidaaya waxaa kasoo qaybgalay Madax sare oo kasocotay Labada Wasaaradood Ee Waxbarashada Iyo Cadaaladda /Gudoomiyaha Mu’asasada Al-minhaaj / Waaridiin Iyo Marti sharaf kaloo badan waxaana ugu horaynba Kawar bixiyay Xafladda Iyo Heerarkii Kaladuwanaa ee Uu Soomaray AlHidaaya Kawar Bixiyay Maamulaha Schoolka AlHidaaya Jaamac Xasan Xuseen waxaana Uu Xusay in mudadii Uu jiray Al-Hidaaya Uu ku tilaabsaday Guulo Wax Ku Ool ah .
Waxaana maantay shahaadooyin lagudoon siiyay arday ku guulaysatay In ay macalim la’aan wax qoraan islamarkaana wax akhriyaan ardaydaas oo gaaraysa 55 arday waxaana mudadii koobnayd ee uu jiray Al-Hidaaya Qur’aanka Xifdiyay Arday Badan oo iyagana mardhow lasiin doono Shahaado .
Gudoomiyaha Mu’asasada Alminhaaj Gobolka Nugaal ayaa isna goobta kahadlay ayaa qiray guulaha bulshada wax ku oolka u ah ee uu gaaray Al-Hiaaya waxaana uu balan qaaday in ka Mu’asasa Ahaan ay garabtaagan Yihiin Schoolka Al-Hidaada .
Gudoomiye Kuxigeenka Gudoonka waxbarashada Gobolka Nugaan Mudane Cumar Guureeye ayaa isna dhankiisa amaanay kaalinta uu buuxiyay Schoolka Al-Hidaaya islamrkaana waxaa uu amaanay goobta uu kuyaal oo ah meel ku haboon iyo xaafad baahi weyn u qabtay waxbarashada waxaana uu dhankiisa balan qaaday in uu kacaawin doonaan wixii qalab wax barasho ah oo ay u baahdaan.
Waxaa halkaas ardaydii dhamaystay Barashada Hikaada lagu Gudoon siiyay Shaadooyin Ay Iska kaashadeen Schoolka Al-Hudaaya Iyo Wasaarada Cadaalada Diinta Iyo Dhaqan Celinta waxaana Xaflada Soo Xiray Agaasimaha Waaxda Arimaha Diinta Sh.Xuseen Maxamed Cismaan isagoo sigaar ah ardayday ugu doon siiyay abaal marimo qaali ah oo uu kamid ahaa Kitaabka Sharafta Mudan Ee Qur’aanka Kariimkaa .
Nuur Jaamac Aadam
Xafiiska warbaahinta Al-Minhaaj Puntland
Hooska Daawo /