+252 90 7798232 [email protected]

sh c.nasir

Laascaanood:-Maamulka Machadka Imaamu Dahabi ee Barashada Culuumta  Kitaabka  iyo Sunnaha  ayaa Gudoonsiiyey Shahaadooyin  Dufacdii koowaad ee Ardayda ka Qalin jabisey Machadka imaamu dahabi ee Magaalda Laascaanood. Xafladan oo ay ka  Soo Qayb galeen marti  Sharaf aad u badan , oo isugu jIra Culimaa’u Diin   , Ganacsato, Macallimiin, Waalidiin , arday iyo marti kale, ayey Ardaydu u Soo Bandhigeen Qayb Ka Mida Cilmigii ay barteen .

Sidoo Kale waxaa Ka Soo Qayb  Galay Shiikhu Baladka magaalada Laascaanood, Sh C/Nasir Xaji Axmed , Dr C/Rashiid Maahir ,DR C/Majiid Xuseen Sugulle, Ustaad Faarax Biniin Boos. .Gudoomiyaha ganacsatada gobolka Sool C/Risaaq Axmed Warsame Gudoomiyaha Jamciytu ALNUUR .iyo Marti Sharaf kale. Maamulaha Macadka Sh Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Saalixi) ayaa ka waramay Xilligii la Aaas aasey Machadka imaamu Dahabi Isagoo Sheegy in La Aaasey aasey Machadka Dabayaaqadii Sanadkii 2013, iyadoo loo aas aasey Baahi Ka jirtey Gobolka .

Maamulaha oo ka Waramay Ardayda dhigata Mahadka , kuwa qalin jabisey , hiigsiga machadka iyo Mustaqbalka  Soo Socda . Ugu Danbeyntii , Ardaydii dhameysey oo ahayd Dufcadii ugu ugu Horeysey , oo isugu Jirey Wiilal iyo Gabdho , Waxaana la Gudoonsiiyey Shahaadoyinkii Qalin jabinta.

Xafiiska Warbaahinta ee Al-Fuqaan Media
Laascaanood,Somalia

www.alminhaaj.com