Manta oo tariikhdu ahayd 22/ramadaan 1435H waxaa lagu soo gabagbeeyey masjidka alhudaa ee magaalada garoowe tartankii qur,aanka kariimka ah ee heer puntland,
Xafladaas oo lagu abaal marinayay ardaydii kaalimaha ka galay tartankaa, waxaa ka soo qayb galay wasiirka cadaalada iyo arimaha diinta mudane: gudoomiyaha gobolka nugaal mudane C/qani Xaashi Cali: culimo awdiin xubno ka mid ah maal galiyayaashii tartanka,waxgarad , gudiyadii abaabulayey taratnka madaxa mu’assada al minhaaj ee puntland iyo dadwayne aad u fara badan.
Xaflada ayaa waxaa lagu furay aayaadka qur’aanka kariimka oo uu akhriyey arday ka mid ahaa tartama yaashii galay tartanka, ka dib waxaa lagu soo dhoweeyey sheikh : maxamed Cali Xaashi , shekhu waxa uu tilmaamay inuu ku faraxsan yahay inuu maanta goobjoog ka noqdo arday sidaan u tartamay, uuna aad ugu riyaaqsan yahay kuna bogaadinayo dhamaan intii barbaarisay, oo ay ugu horeeyaan waalidka macalimiinta, iyo taageerayaashii tartanka ,waxakale oo uu tilmaamay inuu kitaabka alle yahay kan meel walba oo wanaagsan lagu gaaro isaga oo qiirooday,
Ka dib waxaa xaflada ka hadlay Maxamed C/laahi C/lle oo ahaa xubin ka mid ah qabanqaabiyaasha tartanka isaga oo soo bandhigay xogihii ttartanka iyo maraaxisha ay soo martay isaga oo tilmaamay inay ka qayb galeen 34 arday oo kakala yimi 12 degmo , waxa uu sheegay inay ka koobnayeen dadaka ka qayb galay taaba gelinta tartanka oo kala ahaa arday,macalimiin, gudiga garsoorka, gudiga qabanqaabada,ku hawlanayasha degaanka iyo cunada,u kuur galayaasha amniga,iyo adeegayaasha kale waxa ay gaarayeen 87 xubnood, isga oo sheegay inay taageereen tartankaan oo ay maalgeliyeen,dhinacayada kala Madaxwaynaha dawlada puntland,shirkada golis,shirkada barwaqo,somtel,salaama bank,xalwo kismaayo, shirkada dawada tawba, iyo kuwo kale oo badan isla markaana bogaadiyey bixinta maalkooda.
Waxa kale oo uu tilmaamay in miisaaniyada ku baxday tartanka ay dhamayd $20267
Waxa uu talo soo jeedin u diray dhinacyada kala ah dawlada,mu’asasada alminhaaj,waalidiinta,macalimiinta,ardayda kulana taliyey sida ugu haboon ee loo horumarin karo tartanadaan.ugu danbayn waxa uu u duceeyey dhinacyadii maal geliyey tartankaan.
Gudoomiyha mu’sasada al minhaaj Maxamed maxmuud ciise oo isna dhan kiisa tilmaamay in ay aad ugu farax san yihiin tartan kaan iyo sida wanaagsan ee uu usoo dhamaaday waxaana gudomiihu balanqaaday in ay siiwadi doonaan tartaankaan islamarkaana kusoodari doono qaybaha kaladuwan ee hada kamaqan tartanka .
Waxaa sidoo kale xaflada kahadlay Yuusuf jaamac degel oo ka mid ah waxgaradka magaalada garoowe ayaa xaflada ka hadlay sheegayna sida uu manta dareenkiisu yahay iyo inuu diyaar u yahay ka qayb qaadashada tartamadaan oo kale ah bogaadiyeyna ardayda ku tartamaysan qur’aanka eebe isaga oo ugu baaqay shirakaadka hada wax bixiyey inay sii laba laabaan.
Cumar Ciise Maxamed oo ku hadlay magaca maalgeliyayasha kana socday shirkada golis ayaa amaanay sida uu ku dhamaaday tartanku iyo natiijooyinka ka soo baxay balan qaadayna inay sii joogteeyaan maalgelintisa.
Gudoomiyaha gobolka nugaal mudane C/qani Xaashi Cali ayaa isna aad u amaanay sida tartanku u socday iyo sida uu ku dhamaaday bogaadiyena tartamayaasha .
Wasiirka wasaarda cadaalada iyo awqaafta mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa aad ugu dheraaday kalinta ay dawladu kaga jirto taaba gelinta iyo dhiirigelinta tartamada noocaan oo kale ah , uguna baaqay bulshada inay iyaga dawladoodu marwalaba sidaa oo kale isaga kaashadaan hawlaha khayrka ah.
Ugu danbayntii waxaa lagu soo dhoweeyey xubin ka mida gudiga qaban qaabad Sh.Axmed Yuusuf Daad oo akhriyey natiijooyinkii iyo kaalimihii ay kala galeen ardaydii tartamaysay isaga oo u yeeray wasiirka wasaarada cadaalada iyo awqaafta,iyo maamulaha mu’asasada al mihaaj inay gudoonsiiyaan abaal marinta ardayda . waxana loo yeray ardaydii kaalimaha hore galay waana sidaan
Ardayda Kutartamaysa 30Jus
Ardayda kutartamaysa 20jus
Ardayda kutartamaysa 10jus
No | Magaca ardayga | Magaalada | Dugsiga | Natiijada | Kaalinata | Abalmarinta |
1 | Xamse Ahmed Cabdale | Carmo | Ibnubaas | 99.5 | 1Aad | $3000 |
2 | Xamse Iman Yusuf | Bosaso | Darul biri | 98 | 2Aad | $1200 |
3 | C/Rashid Maxmaed Farax | Qardho | Darul Qur,an | 95 | 3Aad | $1000 |
Ardayda kutartamaysa 20jus | ||||||
1 | Ibrahim deeq barkhadlle | Boosaaso | Darul qur,an | 98.5 | 1Aad | $800 |
2 | Maxamed axmed Cali | Ufayn | Darul biri | 98 | 2Aad | $600 |
3 | Maxamud Siciid Bashiir | Carmo | Darul biri | 97.5 | 3Aad | $500 |
Ardayda kutartamaysa 10jus | ||||||
1 | Barkhad salax cali | Carmo | Ibnu baas | 100 | 1Aad | $600 |
2 | C/lle Maxmed C/lle | Bosaso | Darul Biri | 99.5 | 2Aad | $400 |
3 | C/raxman Cali C/qadir | Qardho | Daru Sacada | 99 | 3Aad | $350 |
Nuur Jaamac Aadan Xafiiska warbaahinta Mu,asasada Al-Minhaaj
HOOSKA DAAWO SAWIRADA GUUD EE XAFLADDA