Boosaaso:-Waxaa galabnimadii jimcada ahayd oo ku beegan 31-10-2014 lagu qabtay magaalada Boosaaso gaar ahaan hoolka shirarka ee Markaska Al-Rowda xaflad shahaadooyin lagu gudoonsiinayay tiro macallimiin ah oo uu tababar ugu soo gaba gaboobay bishii siddeedaad magaalada qardho ee gobolka Karkaar.
Tababarkan oo kamida tababarro socday labadii bilood ee xagaaga ahaa, ayaa waxaa uu ahaa ciwaankiisu sidee ku noqon kartaa macalin Guulaysa? tababarakan ayaa waxaa bixinayay tababare Cabdifataax Cajab oo sanadkii ugu dambeeyay tababarro ka waday wadanka gudihiisa.
Mid ka mida macalimiinta uu tababarkaas usoo xirmay laguna magacaabo Cabdiraxmaan Ibraahim ayaa sheegay inay wax badan ka kororsadeen muddadii ay qaadanayeen duruustan xirfaddoodii wax-barisna ay horumar ballaaran oo la taaban karo ka gaareen. Xafladdaan shahaadooyinka lagu gudoonsiinayayna waxaa soo qabanqaabisay Mu’asasada Al-minhaaj ee dacwada iyo horumarinta.
Dhinaca kale tababare-Cabdifataax Cajab ayaa asbuucaan gudihiisa ka bilaabi doona tababarro kala duwan oo uu u qabanayo dhinacyada kala duwan ee bulshada waxana ka mid noqon doona tababaradda uu qabanayo.
1. Tababarka Tababarayaasha oo ah TRAINING OF TRAINERS (TOT) ama [دورة تدريب المدربين]
2. Sidee ku noqon kartaa qof guulaysta ( كيف تكون شخصاً ناجحاً ؟ )
3. Xirfahada aad kor ugu qaadi kartid wax-barashadaada (مهارات التفوق الدراسي )
Tababarka tababarayaasha ayaa wuxuu noqonayaa mid ku cusub gayiga soomaaliyeed, waxaana tababarkaan lagu hormarin doonaa xirfadaha tababarayaasha, macallimiinta iyo cid kastoo danaynaysa inay bulshada hormariso.
alminhaaj.com
Bosaso,Somalia